Wariye si Kama’ ah Loogu daray Group Chat Madaxda Mareykanka uga hadlayeen Weerarka Yemen
Washington – Xubno sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka difaaca, ayaa si kama’ ah suxufi ugu soodaray "Group-Chat" oo looga hadlayay duqeymaha Xuutiyiinta dalka Yemen, taas oo dhalisay caro xooggan iyo walaac ku saabsan amniga qaranka Mareykanka.
Weerarkan, oo ahaa midkii ugu weynaa ee Madaxweyne Donald Trump qaado tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, ayaa lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta Yemen. Si lama filaan ah, faahfaahin sir ah oo ku saabsan howlgalkaasi ayaa lagu wadaagay koox fariin-isgaarsiin ah oo Signal ah, halkaasoo uu ka mid ahaa tifaftiraha guud ee wargeyska The Atlantic, Jeffrey Goldberg, kaasoo oo kusoo daray group chat-ka wasiirka difaaca Mike Waltz.
Qoraallo laga helay wadahadalkaasi ayaa muujinaya sida ay xubnaha kooxda uga caroodeen taageerada Maraykanku siiyo xulafadiisa Yurub. JD Vance, oo ah senator, ayaa sheegay in khatarta Xuutiyiintu tahay dhibaato u gaar ah Yurub, maadaama ay yartahay ganacsiga Maraykanka ee mara marin-biyoodka Suez. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay weerarka Maraykanku ku qaaday Yemen inuu yahay “khalad” sababi kara “kordhinta qiimaha shidaalka” isagoo Maraykanka ka dhigay mid “badbaadinaya Yurub”.
Sida uu sheegay Goldberg, xubno kale oo ka tirsan kooxda ayaa soo jeediyay in dalalka Yurub laga dalbado inay bixiyaan qarashaadka ku baxay weerarka. Waltz ayaa lagu arkay farriin uu ku sheegay inuu la shaqeynayo waaxyaha dowladda si loo qiyaaso kharashaadka weerarka lana saaro Yurub. Stephen Miller, oo la rumeysan yahay inuu yahay ku-xigeenka madaxa shaqaalaha ee Trump, ayaa yiri: “Haddii Maraykanku si guul leh dib ugu soo celiyo xorriyadda badmareenka iyadoo ay ka go’an tahay kharash weyn, waxaa waajib ah in la helo faa’iido dhaqaale oo dheeraad ah.”
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka (NSC), Brian Hughes, ayaa xaqiijiyay in farriimaha la faafiyay yihiin kuwo dhab ah. “Xilligan, fariimaha lasoo tebiyay waxay u muuqdaan kuwo sax ah, waxaana baaritaan ku wadnaa sida lambarkaas suxufiga ah uu si lama filaan ah ugu biiray wadahadalka,” ayuu yiri Hughes.
Dhacdadan ayaa kicisay falcelin xoog leh oo ka timid siyaasiyiinta Maraykanka, gaar ahaan kuwa Dimuqraadiga ah. Jack Reed, oo ah Senator ka tirsan gobolka Rhode Island iyo hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee guddiga adeegyada difaaca, ayaa sheegay: “Haddii ay run tahay, warbixintani waxay astaan u tahay guul-darro xagga amniga howlgalka ah oo aan horay u arag.”
Gobernarka gobolka Illinois, JB Pritzker, ayaa ku qoray X: “Karti-darrada maamulka Trump waxay khatar galinaysaa amniga gudaha iyo dibaddaba.”
Xitaa xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa si adag u cambaareeyay dhacdada. Mike Lawler, oo ah xildhibaan Jamhuuri ah oo laga soo doorto gobolka New York, ayaa ku qoray X: “Xog sir ah looma gudbin karo ilo aan suganayn – gaar ahaan suxufiyiinta aan haysan ogolaansho amni. Waa in la helo hannaan adag oo arrintan oo kale ayan mar kale dhicin.”
Diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in hadallada Vance ay muujinayaan nacaybkiisa ballaaran ee Yurub, iyadoo ay la yaab ku noqotay sida uu u neceb yahay taageerada Maraykanka uu siiyo danaha qaaradda Yurub. “Waa wax laga naxo in uu si khaldan u fahmo faa’iidada ay leedahay weerarka Yemen,” ayuu yiri diblomaasi reer Yurub ah. Mid kale ayaa yiri: “Waa waalli. Runtii yaab leh.”
GAROWE ONLINE