Warqado sir ah oo kashifay sida Mareykanka u basaaso Guterres

Image
Waa fadeexadii ugu dambaysay ee soo wajahda mukhaabaraadka Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa aaminsan in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu aad u doonayo in uu u hogaansamo danaha Ruushka, sida ay muujinayaan dukumiintiyo cusub oo lasoo dusiyey.

Faylasha ayaa muujinaya in Washington ay basaasto Antonio Guterres. Qaar kamid ah warqadaha ayaa kashifaya in Washington ay dhex-gashay isgaarsiinta gaarka ah ee Mr Guterres iyo ku xigeenkiisa.

Waa fadeexadii ugu dambaysay ee soo wajahda mukhaabaraadka Mareykanka ayna wali xusul duub ugu jiraan sidii ay u ogaan lahaayeen cidda banaanka geysay.

Dukumeentiyada qaarkood ayaa waxaa ku jira indho-indheyn daacad ah oo uu Mr Guterres ku sameeyay dagaalka Ukraine iyo mowqifka tiro kamid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika.

Mid ka mid ah dukumeenti sirta ah ayaa diiradda saaraya heshiiskii badarka ee Badda Madow, oo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga bishii Luulyo ka dib markii laga baqay cunno yari caalami ah.

Nuquladan ayaa si gaar ah waxay u soo jeedinayaan in Mr Guterres uu aad u jeclaa in uu ilaaliyo heshiiska oo uu diyaar u ahaa in uu waafajiyo danaha Ruushka.

"Guterres wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadaalkiisa lagu hagaajinayo awoodda Ruushka ee dhoofinta. Xitaa haddii ay taasi ku lug leedahay hay'ado ama shakhsiyaad Ruush ah oo la cunaqabateeyay," ayay ku dareen qoraalada.

Warbixintan ayaa intaas ku dartey: "Falalka uu sameeyay bishii Febraayo waxay wax u dhimayaan dadaallada ballaaran ee lagu doonayo in Moscow lagula xisaabtamo falalkeeda Ukraine".

Saraakiisha Qaramada Midoobay oo diidey in ay si toos ah uga falceliyeen dukumiintiyaddan ayaa "ku qancay soo jeedinta ah in diblomaasiga ugu sarreeya adduunka uu u jilicsan yahay Moscow".

Sawiradii u horeeyay ee dukumeentiyada oo la xaqiijiyey sax ahaanshiyahooda ayaa waxay kasoo muuqdeen Discord - oo ah kamid ah baraha bulshada ay isticmaalaan ciyaartoyda - waxaana lagu wadaagay dhawr baro dood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM