Warqado sir ah oo kashifay sida Mareykanka u basaaso Guterres

Image
Waa fadeexadii ugu dambaysay ee soo wajahda mukhaabaraadka Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa aaminsan in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu aad u doonayo in uu u hogaansamo danaha Ruushka, sida ay muujinayaan dukumiintiyo cusub oo lasoo dusiyey.

Faylasha ayaa muujinaya in Washington ay basaasto Antonio Guterres. Qaar kamid ah warqadaha ayaa kashifaya in Washington ay dhex-gashay isgaarsiinta gaarka ah ee Mr Guterres iyo ku xigeenkiisa.

Waa fadeexadii ugu dambaysay ee soo wajahda mukhaabaraadka Mareykanka ayna wali xusul duub ugu jiraan sidii ay u ogaan lahaayeen cidda banaanka geysay.

Dukumeentiyada qaarkood ayaa waxaa ku jira indho-indheyn daacad ah oo uu Mr Guterres ku sameeyay dagaalka Ukraine iyo mowqifka tiro kamid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika.

Mid ka mid ah dukumeenti sirta ah ayaa diiradda saaraya heshiiskii badarka ee Badda Madow, oo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga bishii Luulyo ka dib markii laga baqay cunno yari caalami ah.

Nuquladan ayaa si gaar ah waxay u soo jeedinayaan in Mr Guterres uu aad u jeclaa in uu ilaaliyo heshiiska oo uu diyaar u ahaa in uu waafajiyo danaha Ruushka.

"Guterres wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadaalkiisa lagu hagaajinayo awoodda Ruushka ee dhoofinta. Xitaa haddii ay taasi ku lug leedahay hay'ado ama shakhsiyaad Ruush ah oo la cunaqabateeyay," ayay ku dareen qoraalada.

Warbixintan ayaa intaas ku dartey: "Falalka uu sameeyay bishii Febraayo waxay wax u dhimayaan dadaallada ballaaran ee lagu doonayo in Moscow lagula xisaabtamo falalkeeda Ukraine".

Saraakiisha Qaramada Midoobay oo diidey in ay si toos ah uga falceliyeen dukumiintiyaddan ayaa "ku qancay soo jeedinta ah in diblomaasiga ugu sarreeya adduunka uu u jilicsan yahay Moscow".

Sawiradii u horeeyay ee dukumeentiyada oo la xaqiijiyey sax ahaanshiyahooda ayaa waxay kasoo muuqdeen Discord - oo ah kamid ah baraha bulshada ay isticmaalaan ciyaartoyda - waxaana lagu wadaagay dhawr baro dood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM