Wasiir ahaa teegeere u jajaban Ruushka oo geeriyooday

Image
Mas'uulkan ayaa xilkan sarre waxa uu haayay tan iyo 2012-kii isaga oo maarayaay qadiyado dhowr ah.

LONDON, United Kingdom - Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Belarus ayaa si lama filaan ah u dhintay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Belta Sabtidii, laba maalmood ka hor markii uu doonayay inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka.

"Wasiirka arrimaha dibadda Vladimir Makei ayaa si lama filaan ah u geeriyoodey," Belta ayaa sidaas sheegtay iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Makei waxa uu xilka hayay tan iyo 2012.

Makei, oo 64 jir ah, ayaa ka qayb galay shir ay isugu yimaaddeen Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah (CSTO) - isbahaysi milatari oo ka kooban dhowr dawladood oo ka tirsanaa Soviet-ka.

Kulankaas soo jiitay indhaha caalamka ayaa waxa uu ka dhacay Yerevan horaantii toddobaadkan waxaana lagu waday inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov Isniinta.

Kahor doorashadii madaxtinimo iyo mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee ka dhacay Belarus sanadka 2020, Makei waxa uu ahaa mid ka mid ah hindiseyaashii dadaallada lagu wanaajinayo xiriirka Belarus ee reer galbeedka oo uu dhaleeceeyay Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si lama filaan ah u bedelay mawqifkiisii ​​ka dib markii uu mudaaharaadku bilaabmay, isaga oo sheegay in ay ku dhiiradeen wakiilada reer galbeedka.

Ka dib duulaanka Ruushka ee Ukraine wuxuu bilowday bishii Febraayo, Makei, oo ah taageere xiriirka Moscow iyo Minsk, wuxuu xusay in reer galbeedku ay kiciyeen dagaalka ayna tahay in masuuliyiinta Ukraine ay ogolaadaan shuruudaha nabada ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM