Wasiir awood badnaa oo xabsi loo dhigay "lunsi hantiyadeed"

Image
Al-Emadi oo la xiray bishii Maajo 2021 ayaa fahfaahin aad u kooban laga soo bandhigay kiiskiisa.

DOOXA, Qadar - Wasiirkii hore ee maaliyadda Qatar, Cali Sherif Al-Emadi, ayaa wajihi doona dacwad ciqaab ah ka dib markii sanadka markii uu ahaa 2021 loogu taxaabay xabsi eedeymo ku saabsan "lunsi hantiyeed".

Al-Emadi oo la xiray bishii Maajo 2021 ayaa fahfaahin aad u kooban laga soo bandhigay kiiskiisa oo warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamka ay si weyn uga hadlayso.

Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA ayaa war kooban oo ay soo saartay Axadii shalay ahayd waxay ku sheegtay inuu wajihi doono maxkamad, iyadoo ay jiraan tiro kale oo aan la cayimin.

Al-Emadi waxa uu caan noqday kadib markii uu xilka la wareegay Amiirka hadda talada haya iyo ka dib markii uu kormeeray is bedelka Bankiga Qaranka Qatar oo uu ka noqday deyn bixiyaha ugu weyn ee Bariga Dhexe.

Markii uu ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu awoodda badan Qatar, al-Emadi waxa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha bangiga, guddiga sanduuqa hantida madax banaan ee Qatar iyo sidoo kale madaxweynaha guddiga fulinta ee Qatar Airways.

Al-Emadi ayaan wali si cad uga hadlin kiiska. Isku-dayo ay warbaahinta ku dooneysay in ay wax kaga waydiiso ayaan guuleysan waxaana loo badinayaa in la xakameeyay dhaqdhaqaaqiisa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani uu sheegay in baaritaanku uu la xiriiro awoodiisa wasiirka maaliyadda.

"Balse uusan la xiriirin xilalka uu ka hayo sanduuqa madax banaanida ama bangiga," ayay Reuters kasoo xigatay Al-Thani oo kamid ah qoyska haya taladda waddankan ku yaalla Khaliijka ee hodanka ku ah kheyraadka shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM