Wasiir isu casilay amar fadeexad sababay oo laga soo saarey xayawaan

Image

COPENHAGEN, Denmark – Wasiirkii beeraha Denmark ayaa Arbacadda todobaadkii hore isku-casilay amar sharci darro ah oo dowladda kasoo saartey dil-wadareed lagu sameeyay xayawaanka la dhaqdo ee Minks-ka.

"Waxaan maanta ku wargeliyey Ra'iisul Wasaaraha in aan rajeynayo in aan iska casilo xukuumadda. Waxaan sheegi karaa in aysan muhiim ahayn in aan taageero ka helo xisbiyada baarlamaanka," ayuu Mogens Jensen yiri.

Sikastaba, xisbiyadda mucaaradka oo aan ku qanciin is-casilaadda Jensen ayaa ra'iisul wasaare Mette Frederiksen ugu baaqay in ay caddeyso doorka ay ku lahayd amarkaas dowladeed ee carada iyo fadeexada dhaliyey.

"Ra'iisul Wasaaraha ayaa mas'uul ka ah amarkaas sharci daradda ah. Iyadda ayaa go’aanka gaartey mana faragelin si ay u joojiso markii ay ka war heshay sharci daradaas," ayuu yiri Jakob Elleman-Jensen, madaxa Liberal Party.

Wuxuu intaas ku daray: "Kiiskaan ma ahan mid ku istaagi kara bixitaanka Mogens Jensen. Wuxuu u baahan yahay in lagu sameeyo baaris guddiyadeed".

Horaantii bishaan November, Frederiksen ayaa soo saartey amar ay beeraleyda ku fareyso in ay laayaan xayawaanka mink-ka balse warar kala duwan waxay kasoo baxayaan sababta dhabta ah ee sidaas loo sameynayo.

Hasayeeshee, waxay ku guuldareysatay in ay meelmarinta qorshahaas codad uga hesho mudaneyaasha baarlamaanka oo si xoogan uga hor-yimid.

Qorshaha lagu laynayo xayawaanka ayaa ahaa in la dilo 17 milyan isla markaana la gubo ama la duugo sababo ku aadan faafinta Covid-19 oo ka bilowday safmareenka Coronavirus oo waddankaas uga soo rogaal celiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM