Wasiir isu-casilay toogasho ka dhacdey iskuul oo galaafatay 9 qof

Image
Lix arday oo kale iyo haweeney macalimad ahayd ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkan.

ANKARA, Turkey - Wasiirka waxbarashada Serbia, Branko Ruzic, ayaa Axadii ku dhawaaqay in uu is-casilay kadib toogasho ka dhacday iskuul todobaadkan halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan sagaal qof.

"Waxaan u gudbiyay istiqaalad aan ka noqosho lahayn oo ah in uu iska-casilay xilka wasiirka waxbarashada ee dowladda Serbia," ayuu Ruzic ku yiri warqad uu u diray Ra'iisul Wasaare Ana Brnabic.

Ruzic oo cadaadis wajahayey tan iyo markii toogashadda ay dhacdey ayaa waxa uu sheegay in uu afka ka dhiibtay istiqaaladiisa islamarkiiba maalin kadib masiibada dhacday.

Sideeda arday iyo askari ilaalo ah ayaa la dilay markii wiil dhalinyaro ah la sheegay in uu rasaas ku furay iskuul ku yaala caasimadda Belgrade, sida ay mas'uuliyiin sheegeen Arbacadii.

Lix arday oo kale iyo haweeney macalimad ah ayaa ku dhaawacmay falkan, kaasoo ka dhacay dugsiga hoose dhexe ee Vladislav Ribnikar abaarihii 8.40 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah (0640GMT), sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Eedeysanaha oo 14-jir ah, oo magaciisa lagu soo koobay K.K, ayaa la xiray, sida ay Wasaaraddu sheegtay. Hase ahaatee, ma bixin laamaha ammaanka fahfaahin ku saabsan sababta ka dambeysay toogashada.

Toogashadan ayaa si weyn waxay usoo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka, waxaana ay dhalisay dood ku saabsan bad-qabka ardayda dhigata iskuuladda Serbia kuwaasoo qudhooda walbahaarka aad u muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM