Wasiirada arrimaha dibada Sacuudi Carabiya iyo Iiraan oo kulmay

Image
Waa wadahadalkii oo heer sarre ah oo labada dal dhexmara tan iyo sanadkii 2016-kii.

BEJING, China - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudi Carabiya - oo ah laba dal taariikh ahaan isku haya bariga dhexe - ayaa wada hadal yeeshay markii ugu horreysay tan iyo 2016-kii.

TV-ga al-Ekhbariya ee Sucuudiga laga leeyahay ayaa sii daayay muuqaal kooban oo muujinaya Amiir Faysal bin Farhan al Saud iyo Hossein Amir-Abdollahian oo isku salaamaya dalka Shiinaha.

Bishii hore, labada waddan waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed intii lagu jiray wadahadallo heer hoose ah oo sidoo kale ka dhacay Shiinaha.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iiraan 2016-kii markii dad badan ay weerareen safaaradda uu ku leeyahay Tehran. Arrintan ayaa daba socotay dil ay Riyadh ku fulisay wadaad Shiico ah oo caan ahaa.

Xiisada u dhaxaysa Sucuudiga oo ay Sunniga u badan yihiin iyo Iran oo Shiicadu hogaamiso ayaa inta badan ahayd mid aad u kacsan. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale Iran ku eedeysay in ay gacan ka geysatay weerarka Xuutiyiinta.

Isku dayo hore oo dib u heshiisiineed ayaa lagu guul dareystay, balse bishii hore ayay labada dal sheegeen in ay dib u furan doonaan safaaradaha muddo labo bilood gudahood ah. Waxa ay sidoo kale sheegeen in dib loo dhisi doono xiriirkii ganacsiga iyo amniga.

Mareykanka ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay ku dhawaaqistaas, halka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu uga mahadceliyay Shiinaha sida ay u dhexdhexaadiyeen heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM