Wasiirada arrimaha dibada Sacuudi Carabiya iyo Iiraan oo kulmay

Image
Waa wadahadalkii oo heer sarre ah oo labada dal dhexmara tan iyo sanadkii 2016-kii.

BEJING, China - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudi Carabiya - oo ah laba dal taariikh ahaan isku haya bariga dhexe - ayaa wada hadal yeeshay markii ugu horreysay tan iyo 2016-kii.

TV-ga al-Ekhbariya ee Sucuudiga laga leeyahay ayaa sii daayay muuqaal kooban oo muujinaya Amiir Faysal bin Farhan al Saud iyo Hossein Amir-Abdollahian oo isku salaamaya dalka Shiinaha.

Bishii hore, labada waddan waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed intii lagu jiray wadahadallo heer hoose ah oo sidoo kale ka dhacay Shiinaha.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iiraan 2016-kii markii dad badan ay weerareen safaaradda uu ku leeyahay Tehran. Arrintan ayaa daba socotay dil ay Riyadh ku fulisay wadaad Shiico ah oo caan ahaa.

Xiisada u dhaxaysa Sucuudiga oo ay Sunniga u badan yihiin iyo Iran oo Shiicadu hogaamiso ayaa inta badan ahayd mid aad u kacsan. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale Iran ku eedeysay in ay gacan ka geysatay weerarka Xuutiyiinta.

Isku dayo hore oo dib u heshiisiineed ayaa lagu guul dareystay, balse bishii hore ayay labada dal sheegeen in ay dib u furan doonaan safaaradaha muddo labo bilood gudahood ah. Waxa ay sidoo kale sheegeen in dib loo dhisi doono xiriirkii ganacsiga iyo amniga.

Mareykanka ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay ku dhawaaqistaas, halka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu uga mahadceliyay Shiinaha sida ay u dhexdhexaadiyeen heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM