Wasiirka Difaaca Mareykanka oo tagay Afghanistan

Image

Xogyahaha difaaca Mareykanka  Jim Mattis  ayaa maanta booqasho aan horey loo shaacin ku tagey magaalada Kabul, ee caasimada dalka Afghanistan.

Booqashada Jim Mattis  ee Afghanistan ayaa ah lugtii ugu dambaysay safarro uu ku marayay maalmihii lasoo dhaafay lix dalka oo Africa iyo Asia ku yaalla.

Mattis  ayaa kula kulmay Madaxtooyada Kabul Madaxweynaha Afghanistan Asharf Ghani  iyo saraakiil kale, oo uu kala hadlay dagaalka lagula jiro Taliban iyo Al Qaacida.

Waxa uu sheegay wasiirku in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo in ciidamo dheeraad ah u diro dalkaasi, si wax looga qabto amniga.

Booqashada  Jim Mattis  ee Afghnaistan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii weerar ay Taliban ka fuliyeen magaalada Mazar-i-Sharif  lagu dilay in ka badan 150 askari Jimcihii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM