Wasiirka difaaca Yahuuda oo booqasho dhif ah ku tagay Baxreyn

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka oogan gobolka Khaliijka.

MANAMA, Bahrain - Wasiirka Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay dalka Baxrayn, iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda Khaliijka, kaddib markii ay Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran weerareen Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Difaaca Israel ayaa sheegtay Arbacadii in Gantz uu heshiis iskaashi amni la saxiixi doono Baxreyn kaas oo ay weheliso Imaaraadka ay deriska yihiin kaasoo soo caadiyeeyeen xiriirka Israel 2020.

Imaaraatka Carabta ayaa Isniintii wuxuu shaaca ka dhigay in uu ka hortagay gantaal ay soo ganeyn Xuutiyiinta xilli uu waddankaas booqasho rasmi ah ku joogay madaxweynaha Israa’iil.

Wuxuu ahaa weerarkii saddexaad oo muddo labo todobaad gudahood ah ay sheegtaan Xuutiyiinta, kuwaas oo dagaal kula jira xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo oo Imaaraadku ku jiro.

Isagoo fahfaahinaya booqashada Gantz, wasaaradda difaaca Israel ma aysan soo hadal qaadin weerarada Xuutiyiinta mana aysan bixin faahfaahin waxa ku jira heshiiska amniga ee Bahrain, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada badda Mareykanka ee Khaliijka.

Mareykanka oo si adag u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in uu u soo dirayay diyaarado dagaal si ay u caawiyaan Imaaraadka kadib weeraradii gantaalada.

Gantz waxa uu u duulay Baxrayn isagoo raacay diyaarad qaada ciidamada cirka ee Israel. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo taliyaha difaaca Israa’iil uu booqdo waddanka Khaliijka ama ay diyaarad militari oo Israa’iil leedahay ay halkaas ku degto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM