Wasiirka difaaca Yahuuda oo booqasho dhif ah ku tagay Baxreyn

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka oogan gobolka Khaliijka.

MANAMA, Bahrain - Wasiirka Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay dalka Baxrayn, iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda Khaliijka, kaddib markii ay Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran weerareen Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Difaaca Israel ayaa sheegtay Arbacadii in Gantz uu heshiis iskaashi amni la saxiixi doono Baxreyn kaas oo ay weheliso Imaaraadka ay deriska yihiin kaasoo soo caadiyeeyeen xiriirka Israel 2020.

Imaaraatka Carabta ayaa Isniintii wuxuu shaaca ka dhigay in uu ka hortagay gantaal ay soo ganeyn Xuutiyiinta xilli uu waddankaas booqasho rasmi ah ku joogay madaxweynaha Israa’iil.

Wuxuu ahaa weerarkii saddexaad oo muddo labo todobaad gudahood ah ay sheegtaan Xuutiyiinta, kuwaas oo dagaal kula jira xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo oo Imaaraadku ku jiro.

Isagoo fahfaahinaya booqashada Gantz, wasaaradda difaaca Israel ma aysan soo hadal qaadin weerarada Xuutiyiinta mana aysan bixin faahfaahin waxa ku jira heshiiska amniga ee Bahrain, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada badda Mareykanka ee Khaliijka.

Mareykanka oo si adag u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in uu u soo dirayay diyaarado dagaal si ay u caawiyaan Imaaraadka kadib weeraradii gantaalada.

Gantz waxa uu u duulay Baxrayn isagoo raacay diyaarad qaada ciidamada cirka ee Israel. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo taliyaha difaaca Israa’iil uu booqdo waddanka Khaliijka ama ay diyaarad militari oo Israa’iil leedahay ay halkaas ku degto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM