​Wasiirkii Caafimaadka Tunusia oo dhintay isagoo Ordaya

Image

Wasiirkii Caafimaadka dalka Tunusia ayaa u dhintay Wadna xanuun Axaddii, isagoo ka qayb qaadanayay Orod lacag loogu aruurinayay dhismaha xarun loogu talo galay in lagu daweeyo Carruurta la nool Cudurka Kansarka.

Slim Chaker oo ahaa 56 sano jir, ayaa istaaga ka dhacay kadib markii uu Orday masaafo gaaraysa 500 Mitir. Markii dambe wuxuu ku geeriyooday Cisbitaal ay leeyihiin ciidamada Milatariga dalkaas.

Ra’isal wasaaraha dalkaas, Youssef Chahed, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay inuu waayay shakhsi iyo saaxiib uu dunida ku lahaa, isagoo tacsi u diray umadda reer Tunusia ee uu ka baxay.

“Waxaan waayay walaal iyo rafiiq aan lahaa, wuxuu dhintay isagoo ka shaqaynaya arrimo gargaar,” Sidaas waxaa yiri RW Youssef.

Orodka ayaa lagu qabtay magaalo Xeebeedka Nabeul.

Wasiirka dhintay Slim Chaker, ayaa la magacaabay Bishii hore kadib markii isku shaandhayn ballaaran lagu sameeyay golaha xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM