Wasiirkii maxaabiista Falastiiniyiinta oo shil gaari ku geeriyoodey

Image
Qadri Abu Baker ayaa dhintey isaga oo kasoo laabtey munaasabad uu kula ciidey caruurta maxaabiista Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Wasiir ka tirsan maamulka Falastiin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga daanta galbeed ee la haysto. dhacdadaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay maxbuus hore oo Falastiini ah iyo xaaskiisa oo waqooyiga maamulka Salfit.

Qadri Abu Baker, Gudoomiyaha Ururka Xoraynta Falastiiniyiinta (PLO) ee Maxaabiista hadda iyo Maxaabiista hore, ayaa Sabtidii ku geeriyoodey wadada 505 oo ah meel u dhow magaalada Jamma'in ka dib markii uu ka soo laabtay munaasabad ay ugu dabaaldegayeen carruurta maxaabiista Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas waxa uu ugu baroor diiqayay Abu Baker “sidii uu ahaa halgamaa xoriyadeed xoogan oo noloshiisa ku qaatay difaacida Falastiin, qadiyadeeda, dadkeeda”.

"Abuu Bakar waxa uu safka hore taagnaa, isagoo difaacaya qadiyadaha dalkiisa iyo dadkiisa dhammaan dhinacyada hawlaha qaranka iyo halganka, iyo fagaarayaasha caalamiga ah, tan iyo wakhtiyadii hore ee dhaqdhaqaaqa qaranka [Falastiin]," ayuu xusay Cabbaas.

Mai al-Kaila, oo ah wasiirka caafimaadka, ayaa ku amaanay Abu Baker inuu yahay " halgamaa geesi ah" oo naftiisa u huray arrinta maxaabiista siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.

Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku muujisay sida ay uga xun tahay in ay xasuusato halgankii Abuu Bakar iyo Sawan, iyo gacantii ay ka geysteen taageeridda maxaabiista iyo qadiyaddooda.

Abu Baker waxa uu ku dhashay tuulada Bidya ee daanta galbeed ee la haysto sanadkii 1953. Abu Baker waxa uu ku qaatay 17 sano oo xarig ah ka dib markii ay xidheen ciidamada Israel isaga oo hub u gudbiyay daanta galbeed.

Ka dib waxaa loo masaafuriyay waddanka Ciraaq, laakiin wuu soo noqday oo wuxuu qabtay xilka gudoomiyaha maxaabiista sanadkii 2018 kaasoo uu haayay ilaa dhimashadiisa. Dadka reer Falastiin waxay aad uga xumaadeen geeridiisa iyaga oo u rajeeyay naxariista alle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM