Wasiirkii maxaabiista Falastiiniyiinta oo shil gaari ku geeriyoodey

Image
Qadri Abu Baker ayaa dhintey isaga oo kasoo laabtey munaasabad uu kula ciidey caruurta maxaabiista Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Wasiir ka tirsan maamulka Falastiin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga daanta galbeed ee la haysto. dhacdadaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay maxbuus hore oo Falastiini ah iyo xaaskiisa oo waqooyiga maamulka Salfit.

Qadri Abu Baker, Gudoomiyaha Ururka Xoraynta Falastiiniyiinta (PLO) ee Maxaabiista hadda iyo Maxaabiista hore, ayaa Sabtidii ku geeriyoodey wadada 505 oo ah meel u dhow magaalada Jamma'in ka dib markii uu ka soo laabtay munaasabad ay ugu dabaaldegayeen carruurta maxaabiista Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas waxa uu ugu baroor diiqayay Abu Baker “sidii uu ahaa halgamaa xoriyadeed xoogan oo noloshiisa ku qaatay difaacida Falastiin, qadiyadeeda, dadkeeda”.

"Abuu Bakar waxa uu safka hore taagnaa, isagoo difaacaya qadiyadaha dalkiisa iyo dadkiisa dhammaan dhinacyada hawlaha qaranka iyo halganka, iyo fagaarayaasha caalamiga ah, tan iyo wakhtiyadii hore ee dhaqdhaqaaqa qaranka [Falastiin]," ayuu xusay Cabbaas.

Mai al-Kaila, oo ah wasiirka caafimaadka, ayaa ku amaanay Abu Baker inuu yahay " halgamaa geesi ah" oo naftiisa u huray arrinta maxaabiista siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.

Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku muujisay sida ay uga xun tahay in ay xasuusato halgankii Abuu Bakar iyo Sawan, iyo gacantii ay ka geysteen taageeridda maxaabiista iyo qadiyaddooda.

Abu Baker waxa uu ku dhashay tuulada Bidya ee daanta galbeed ee la haysto sanadkii 1953. Abu Baker waxa uu ku qaatay 17 sano oo xarig ah ka dib markii ay xidheen ciidamada Israel isaga oo hub u gudbiyay daanta galbeed.

Ka dib waxaa loo masaafuriyay waddanka Ciraaq, laakiin wuu soo noqday oo wuxuu qabtay xilka gudoomiyaha maxaabiista sanadkii 2018 kaasoo uu haayay ilaa dhimashadiisa. Dadka reer Falastiin waxay aad uga xumaadeen geeridiisa iyaga oo u rajeeyay naxariista alle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM