Weerar ay ku dhaawacmeen 23 qof oo ka dhacay New York

Image
Sawiro laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa muujinayey dhiig badan oo dhulka ku qubanaya.

NEW YORK, USA - Booliska waddanka Mareykanka ayaa shaaca ka dhigay in ku dhowaad 23 qof ay ku dhaawacmeen toogasho xaley ka dhacday mid kamida labada magaalo ee wadankaasi ugu weyn.

Qof hubaysan ayaa toogasho ka geystay bosteejada Tareennada laga raaco ee lagu magacaabo Brooklyn taas oo kutaal magaalada New York ee dalka Mareykanka.



Saraakiisha laanta danbibaarista ee FBI-da ayaa sheegay in weerarkan ay ku dhaawacmeen illaa 23 qof oo 18 ka mid ah ay haleeshay rasaas noolnool oo laga soo riday qori boobe ah.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa muujinayey dhiig badan oo dhulka ku qubanaya iyo dhaawacyada oo ay daabulayaan gaadiidka gargaarka ded dega ah ee Ambalaasta.

Taliyaha booliska magaalada New York ayaa sheegay in aan la garaneynin heybta qofka weerarka geystay isagoo carabka ku dhuftay in la siin doono lacag gaareysa 50,000 oo doolar ciddii soo sheegta halka uu ku dhuumaaleysanayo ninka weerarka fuliyay.

Dalka Mareykanka ayaa bil walba waxaa ka dhaca weeraro toogasho ah kuwaas oo ay ku dhintaan dad tiro badan, isagoona ka mid ah wadamada la daalaa dhacaya xakameynta weeraradda noocan ah iyo falalka burcadnimada ah.

Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay weerarro la mid ah kii xaley ka dhacay magaalada New York ka dhacayeen dalka Isra’iil iyadoo ay ku dhinteen tobanaan qof oo rayid ah.

Weeraraddan ayaa inta badan dhibaneyaal u ah dadka rayidka ah ee meelaha lagu caweeyo jooga, iyagoo inta badan aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin laamaha amaanka noocyadooda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM