Weerar ay ku dhinteen 50 qof oo ka dhacay bariga Ukraine

Image
Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk.

KYIV, Ukraine - Weerar gantaal oo lagu qaaday xarunta tareenada ee bariga dalka Ukraine halkaas oo la doonayey in laga daadgureeyo dadka ka baxsanaya colaadda dalka ayaa waxaa ku dhintay 50 qof oo rayid ah halka 87 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisha maamusha Khadka tareenada ee dalkaas.

Weerarkan Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid noqonayo kuwii ugu dhimashada badnaa ee lala beegsado dadka shacabka ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay weerarkan iyo kuwa kale ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah “kuwa aan la aqbali karin iyo in ay yihiin xadgudubyo daran oo ka dhan ah xuquuqul insaanka”. Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay tahay in lala xisaabtamo dambiileyaasha falkaas ku kacay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku celceliyay baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ahaa "in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan naxariis darada ah" ee ka socda dalka Ukraine.

Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk. Gantaalada ku dhacay ku dhacay xaruntan ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo isdaba joog ah, guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaana sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu isku diyaarinayo duullaanka weyn ee Ruushka uu ku hayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inuu ka dambeeyay weerarka hase ahaatee Ruushka ayaa iska fogeeyey masuuliyadda weerarkan.

Sidoo kale Jimcihii, xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin waxa uu kala hadlay wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleksii Reznikov “baahiyaha milatariga Ukraine si ay u difaacaan dalkooda".

Austin ayaa ammaanay ku dhawaaqista Slovakia ee la xidhiidha in ay u diri doonto dalka Ukraine, nidaamka difaaca hawada ee S-300, waxaana nidaamkan amaanay xoghayaha difaaca ee Mareykanka oo ku tilmaamay "awood difaac oo muhiim ah".

Qoraal ay soo saartay dawladda Ruushka ayay ku sheegtay in gantaalka loo adeegsaday weerarka ee Tochka-U uu yahay mid ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo kaliya, isla markaana aanay ciidammada Ruushka wax weerar ah ku qaadin Kramatorsk.

Si kastaba ha ahaatee, website-ka Defence Blog ayaa sheegay 31-kii Maarso in la sawiray kolonyo gaadiidka militariga Ruushka oo sitay gantaaladii dhawaan shaqada ka fariistay ee reer galbeedka u yaqaaneen SS-21s iyagoo qayb ka ah ciidamada ku soo duulay Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM