Weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga

Image

ABHA — 12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Inta badan gantaalladaas ayaa dhexda laga qabtaa, balse qaar ka mid ah ayaa dilay dhowr qof kuwa kalena dhaawacay.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah Isbaheysiga, ayaa laba goor sheegtay bishii Janaayo inay burburisay gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiinta kusoo weerareen.

Hase yeeshee weerar dhacay horraantii Janaayo oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, ayada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

Reuters

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM