Weerar tooreyn aan kala sooc lahayn oo ka dhacay magaalo ka tirsan UK

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK – Laba qof ayaa dhintay, tirro ka badan intaas waxaa kasoo gaarey dhaawacyo aad u daran markii weerar tooreyn aan kala sooc-lahayn uu ka dhacay magaaladda Birmingham ee boqortooyada Ingiriiska.

Taliska booliska oo shaaciyey in uu baaritaan ku sameeyay dhacdadaan lasoo wariyey saacadihii hore ee Axada maanta ah ayaa gabi ahaanba wuxuu meesha ka saarey in ay geysteen kooxo argagixiso ah.

Muuqaalo laga soo duubay meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya in ciidamadda ammaanka joojiyaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warisay in goobta ay wax ka dhaceen loo yaqaano "Gay Village," halkaasoo dadka ku nool ay ku caweeyaan isla markaana ay cuntada ku cunaan afaafka hore ee hoygooda.

Dominic Raab, wasiirka arrimaha dibadda Britain oo dhacdada ku qeexay mid naxdin badan, ayaa ku raacay bileyska in aysan jirin macluumaad muujinaya in falkaan uu la xiriiro arrimaha xagjirnimo ah.

"Waa in aan u duceynaa kuwa dhintay, iyo kuwa dhaawaca ahna u rajeynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu u sheegay war-fidiyeenka.

Balse hay'addaha nabad-gelyadda UK ayaan wali si rasmiya daaha kaga qaadin cidda ka dambeysay, taasoo la macno ah in baaris socoto.

Fal-dambiyeedyadda dilalka kamid yihiin ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska, waxaana ay kamid noqdeen dhacdooyinka maalinlaha, iyaddoo dedaalo ay socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM