Weerar tooreyn aan kala sooc lahayn oo ka dhacay magaalo ka tirsan UK

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK – Laba qof ayaa dhintay, tirro ka badan intaas waxaa kasoo gaarey dhaawacyo aad u daran markii weerar tooreyn aan kala sooc-lahayn uu ka dhacay magaaladda Birmingham ee boqortooyada Ingiriiska.

Taliska booliska oo shaaciyey in uu baaritaan ku sameeyay dhacdadaan lasoo wariyey saacadihii hore ee Axada maanta ah ayaa gabi ahaanba wuxuu meesha ka saarey in ay geysteen kooxo argagixiso ah.

Muuqaalo laga soo duubay meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya in ciidamadda ammaanka joojiyaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warisay in goobta ay wax ka dhaceen loo yaqaano "Gay Village," halkaasoo dadka ku nool ay ku caweeyaan isla markaana ay cuntada ku cunaan afaafka hore ee hoygooda.

Dominic Raab, wasiirka arrimaha dibadda Britain oo dhacdada ku qeexay mid naxdin badan, ayaa ku raacay bileyska in aysan jirin macluumaad muujinaya in falkaan uu la xiriiro arrimaha xagjirnimo ah.

"Waa in aan u duceynaa kuwa dhintay, iyo kuwa dhaawaca ahna u rajeynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu u sheegay war-fidiyeenka.

Balse hay'addaha nabad-gelyadda UK ayaan wali si rasmiya daaha kaga qaadin cidda ka dambeysay, taasoo la macno ah in baaris socoto.

Fal-dambiyeedyadda dilalka kamid yihiin ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska, waxaana ay kamid noqdeen dhacdooyinka maalinlaha, iyaddoo dedaalo ay socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM