​Weeraro ka dhacay London iyo Brussels

Image

Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari.

Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega.

Qof goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta, ma cadda in ninka weerarka geystay uu baxsaday iyo inkale.

Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska ee dalka Belgium-ka.

Dhanka kale laamaha ammaanka ee magaalada London ee dalka Britain ayaa xiray nin looga shakiyay in uu dad ku dhaawacay afaafka hore ee xarunta boqortooda ee Buckingham Palace ka dib markii la dhaawacay labo kamid ah ciidamada booliska.

GO + BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM