WHO oo digniin kasoo saartey sharaabooyin loo isticmaalo qufaca

Image
Qaylo-dhaantan caalamiga ah ayaa ka dhalatay markii afartan sharaboobo lala xiriiriyey geerida 66 caruur ah.

NEW YORK, United States - Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray afar sharoobo qufaca ah kadib markii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka digtay in lala xiriirinayo geerida 66 carruur ah gudaha Gambia.

Sharoobada ayaa "waxaa lala xiriiriyay dhaawacyo daran oo kelyaha ah iyo 66 dhimasho oo carruur ah", sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay WHO loona diray warbaahinta caalamka.

"Alaabooyinka waxaa soo saartay shirkad laga leeyahay Hindi oo lagu magacaabo Maiden Pharmaceuticals kuna guuldareysatay inay bixiso dammaanad ku saabsan badqabkooda," ayay WHO ku tiri bayaan.

Shirkadu wali kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo caalamka oo la xiriiray Maiden Pharmaceuticals si ay faallo uga bixiyaan digniinta WHO kama aysan soo jawaabin.

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee waddanka Hindiya ayaa sheegay inay ka codsadeen WHO inay la wadaagto caddaynta muujineysa xiriirka ka dhexeeya sharoobada iyo dhimashada.

Hay'adda WHO ayaa magacyadda daawoyinka laga shakisan yahay waxay ku sheegtay in ay kala yihiin Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Syrup iyo Magrip N Cold Syrup.

Faragelinta WHO ayaa timid ka dib markii mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gambia ay ogaadeen kororka kiisaska dhaawaca kelyaha ee carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ee dabayaaqadii Luulyo ee sanadkan 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM