​Xaakim is-hortaagay xukunkii Donald Trump

Image

Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweynaha dalka Maraykanka kusoo rogay dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.

Garsoore  James Robart, oo jooga Seattle ayaa diiday tallaabada Donald Trump uu ku doonayo inuu xayiraad kusaaro dadka dalalkaas, isagoo ka been sheegay dalabka qareenada u doodaya xukuumadda.

Wuxuu sheegay in xayiraadda si deg deg ah loo qaadi karo iyadoo kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

Dhawaan ayuu xilkii ka qaaday Garsooraha guud ee dalkaas kaasoo si KMG ah u hayay jagadaas, kadib markii uu ka horyimid go'aankiisa lagu xanibayo dadka kasoo jeeda 7 dal oo Muslim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM