​Xaaska Nawaz Shariif oo guul ka gaartay doorasho ku celis ah

Image

Wararka ka imaanaya waddanka Pakistan ayaa sheegaya in Xaaska Raysal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ay guul kasoo hoyisay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacay deegaanka ay kasoo jeedaan ee Lahore.

Codadkii ilaa hadda la tiriyay, waxay muujinayaan in Kulsoom Nawaz oo ah Marwada Ra'isal wasaarihii shaqada laga cayriyay ay ku horeys shan iyo tobban kun oo cod.

Guushan, waxaa ka hadlay Xisbiga talada haya ee PMLN oo sheegaya in tallaabadan cadeyn u tahay in shacabka Pakistan rumeysanyihiin in Nawaz sharif uu dulmane u yahay shirqool siyaasadeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.

Balse goor sii horaysay Sharif ayaa beeniyay eedaha loo soo jeedinayo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go'aan kasoo saartay sii joogistiisa xafiiska.

Guusha Kulsoom Nawaz, ayaa dadka qaybtiis ku macneeyeen inay sahli karto in qoyskaas xukunka sii hayaan.

Kulsoom ayaa iminka magaalada London ugu maqan daaweyn cudurka kansarka ah, waxaanay ku guulaysatay 61,254 iyadoo musharaxii ugu soo dhawaa kaga badisay 14,188 oo cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM