​Xaaska Nawaz Shariif oo guul ka gaartay doorasho ku celis ah

Image

Wararka ka imaanaya waddanka Pakistan ayaa sheegaya in Xaaska Raysal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ay guul kasoo hoyisay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacay deegaanka ay kasoo jeedaan ee Lahore.

Codadkii ilaa hadda la tiriyay, waxay muujinayaan in Kulsoom Nawaz oo ah Marwada Ra'isal wasaarihii shaqada laga cayriyay ay ku horeys shan iyo tobban kun oo cod.

Guushan, waxaa ka hadlay Xisbiga talada haya ee PMLN oo sheegaya in tallaabadan cadeyn u tahay in shacabka Pakistan rumeysanyihiin in Nawaz sharif uu dulmane u yahay shirqool siyaasadeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.

Balse goor sii horaysay Sharif ayaa beeniyay eedaha loo soo jeedinayo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go'aan kasoo saartay sii joogistiisa xafiiska.

Guusha Kulsoom Nawaz, ayaa dadka qaybtiis ku macneeyeen inay sahli karto in qoyskaas xukunka sii hayaan.

Kulsoom ayaa iminka magaalada London ugu maqan daaweyn cudurka kansarka ah, waxaanay ku guulaysatay 61,254 iyadoo musharaxii ugu soo dhawaa kaga badisay 14,188 oo cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM