Xabad-joojinta Nagorno-Karabakh oo qarka u saaran burbur

Image

BAKU, Azerbaijan – Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weerar kala kulmeen "dabley sharci darro oo Armenia ah" kuna sugan Nagorno-Karabakh isla markaana weerarkaas looga dilay hal askari mid kalena uu dhaawac kasoo gaarey.

War-saxaafadeed ayay ku shaacisay in weerarka oo ka dhacay gobolka Khojavend galabnimadii Axada ay ka hortageen isla markaana ay toogasho ku dileen lix kamid ah dableyda weerarka fulisay.

"Weerarka dartiis, askari ka tirsan ciidanka Azerbaijan ayaa la dilay," ayay tiri Isniinta maanta ah. "Mid kamid ah shaqaalaha ciidamadda waa dhaawac. Balse xaaladiisa way wanaagsan tahay".

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa wacad ku martay in ay qaadi doonto "tilaabooyin wax ku ool ah" hadii weeraro soo noqnoqda ay soo qaadaan ciidamada waddanka Armenia.

Hadalkan ayaa imaanaya saacado un ka dib markii wasaarada gaashaandhiga Armenia ay beenisay warar ay qortay warbaahinta oo ku saabsan dagaalka ka socda gobolka dariska la ah ee Hadrut waxayna sheegtay in ciidamada qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh ay "si adag u ilaalinayaan" xabad joojinta.

Midkoodna saraakiisha Armenia ama Nagorno-Karabakh illaa iyo hadda kama hadlin sheegashadda ka timid Azerbaijan.

Nagorno-Karabakh waxay ku taal gudaha Azerbaijan balse waxay ku jirtay gacanta ciidamada qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Armenia tan iyo markii dagaal halkaas ka dhacay uu sababay xabad joojin 1994.

Dagaalkaasi wuxuu sababay in dhul fara badan oo kamid ah Nagorno-Karabakh iyo kuwa kale oo ku hareereysan ay gacanta u galaan Armenia.

Bishii September ee sanadkan 2020 ayaa mar kale uu dagaal ka qarxay aagaas wuxuuna sababay dhimashadda in ka badan 5,600 oo qof oo labada dhinac ah. Tobanaan rayid ah oo labada dhinac ah ayaa sidoo kale ku geeriyooday, halka kumanaan kale ay ka barakaceen guriyahooda.

Heshiis nabadeed oo Ruushku agaasimay kaasoo xeerinaya in Azerbaijan in dib loogu soo celiyo inta badan gobolka iyo meelaha ku hareeraysan ayaa soo afjaray lix toddobaad oo dagaal qaraar ah 10-kii Noofambar.

12-kii bishii Diseembar, Armenia iyo Azerbaijan ayaa soo wariyey isku dhacyo cusub oo ka dhacay koonfurta Nagorno-Karabakh, iyagoo midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabad joojinta.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ee loo geeyay inay kormeeraan heshiiska nabada ayaa sidoo kale soo sheegay xadgudub, laakiin cidna eed ma saarin.

Taliska Ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka oo ka kooban ku dhowaad 2000 oo askari ayaa horaantii bishaan soo wariyay in hal askari oo Ruush ah uu ku dhintay hawlgal miino baaris ah balse wuxuu intaas ku daray in heshiiska nabad-ilaalinta uusan wali burburin.

Xaaladahan soo kordhaya ayaa muujinaya in heshiiska xabad-joojinta uu qarka u saaran yahay in uu burburo taasoo dhabaha u xaari karta in dagaal dhiig badan uu ku daato uu qarxo mar kale, waxaana arrintaas ay holac kusii shideysaa xaaladda bini'aadanimo ee ka dhalatay isku-dhaca bishii September taasoo dunida haatan aysan si toos ah ula falgain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM