Xamaas: Israa'iil dhab kama ahan wadaxaajoodka xabad-joojinta Gaza

Image
Kooxda iska caabinta Falastiin ayaa sheegtay in Yahuuda ay diideen soo jeedin kasta xabad-joojin ah.

ANKARA, Turkey - Kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil aysan si dhab ah u qaadan wada xaajoodka xabad joojinta magaalada go'doonsan ee Gaza.

Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Aqsa, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan ayaa sheegay in Israa'iil aysan soo jeedin wax soo jeedin ah oo dhab ah "dhab ahaantiina aysan dhab ka ahayn wadahadallada (xabad joojinta)."

"Soo jeedin kasta oo naloo soo bandhigo (Xamas) oo buuxinaysa dalabaadka dadkeena, soo afjaraysa dhibaatadooda, oo gebi ahaanba joojisay gardarrada Israa'iil, ma aha si ku meel gaar ah, waxaanu ku sii wadi doonaa si aan gabasho lahayn," ayuu yidhi Hamdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM