Xariga daldalida oo laga helay goob xarun looga dhisayo Obama

Image
Image
Image
Tani ayaa sabab u noqotey hakinta shaqadda dhismaha iyadda oo 100-kun doolar loo balanqaadey cidii xog ka keenta falkan.

WASHINGTON, United States - Xarga loo isticmaalo in dadka lagu daldalo oo laga helay goob laga dhisayo Madfac iyo Xarun loogu magacdaray madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barrack Obama ayaa keentay in kooxda kormeeraysay mashruuca ay joojiyaan shaqada. Dhismahan ayaa laga dhisayaa magaalada Chicago.

Lakeside Alliance, oo ay iska kaashadeen shirkado gacanta ku haya dhismaha xarunta, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inay ku wargeliyeen dhacdada booliska ayna " bixin doonaan wixii kaalmo ah ee loo baahan yahay si loo aqoonsado kuwa mas'uulka ka ah".

Shaqada ayaa hakad ku jirtay Jimcihii shalay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay iskaashatada, in kasta oo telefishinka CNN uu soo wariyey shaqaalaha oo mashiino culus ku dhex wareegaya goobta.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri "howlo kaabaya xaqiijinta badbaadada iyo amniga goobta ayaa laga yaabaa inay dhacaan maalinta oo dhan."

Shirkadda ayaa balanqaadey in ay bixineyso abaal-marin dhan $100,000 ciddii keenta xog lagu soo qaban karo kuwa ka mas'uulka ah, sida lagu sheegay bayaan hore, kaas oo intaas ku daray in aanay u dulqaadan karin nooc kasta oo eex ama nacayb goobtayada shaqada ah.

Xarunta ayaa noqon doonta fariisinka ugu weyn ee Hay'adda Barrack Obama si lamid ah waxaa laga dhigi doonaa madxaf laga helo karo macluumaad ku saabsan xiligii uu xafiiska joogay Obama.

Obama wuxuu doortay Chicago sababtoo ah - sida uu ku dhejiyay muuqaalka 2015 ee ku dhawaaqay doorashadiisa - waa meeshii "dhammaan qaybaha noloshayda ay isugu yimaadeen." Waxa uu xusay in xirfadiisa siyaasadeed ay ka bilaabatay magaalada, waana halkii ay ku kulmeen isaga iyo Michelle Obama.

Mashruuca, si kastaba ha ahaatee, waxaa gaabis geliyey dacwado iyo cabashooyin ka yimid dadka degaanka. Sanadkii 219 garsoore federaal ah ayaa meesha ka saaray dacwad isku dayday in laga hortago in maktabadda laga dhiso Jackson Park oo uu sheegay in dhismuhu si degdeg ah u bilaabo.

Dacwadan ayaa waxaa keenay dad u dhuun daloola arrimaha deegaanka oo ku dooday in dhulkii danta guud ahaa loo adeegsadey mashruuc gaar loo leeyahay. Obama ayaa ugu dambeyntii wuxuu dhagax-dhigay xarunta bishii Sebtembar 2021 isaga oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo gobol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM