Xiisad horleh oo ka dhex-qaraxdey dowladaha Turkiga iyo Ciraaq

Image
Ankara ayaa waxa ay u aragtaa ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan inay yihiin "argagixiso".

BAQDAAD, Ciraaq - Dowladda Ciraaq ayaa ugu baaqday Turkiga inuu raaligelin ka bixiyo weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga dalkaas, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganaysa Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaa aaggaas, balse wuxuu sheegay in wax khasaare ah uusan ka dhalan.

Dalabka Ciraaq ee ayaa yimid xilli sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan jirin wax howlgal ah oo ciidamada Turkiga ay ka fuliyeen gobolkaas maalmihii la soo dhaafay.

Madaxtooyada Ciraaq ayaa sheegtay in weerarka Jimcihii uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Sulaimaniyah ee ismaamulka Kurdiyiinta, isaga oo tibaaxay in falkaas uu yahay "gardarro qaawan" oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Turkiga ayaa dhawr hawlgal oo militari ka fuliyay Waqooyiga Ciraaq iyo Waqooyiga Suuriya, oo ka dhan ah Xoogaga Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ee halkaasi ku sugan.

Ankara ayaa waxa ay u aragtaa ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan inay yihiin "argagixiso" oo xulafo la ah xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee la mamnuucay ama PKK.

Kooxda Kurdiyiinta ee SDF, oo taageero ka helaya Maraykanka, ayaa bayaan ay soo saareen Sabtidii ku sheegay in hoggaamiyahooda, Mazloum Abdi, uu ku sugnaa gegida diyaaradaha ee Sulaimaniyah markii uu weerarku dhacayay, balse "wax dhibaato ah ma gaarin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM