Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hor-timid mamnuucida TikTok

Image
Madaxa shirkadda TikTok Shou Zi Chew ayaa todobaadkii hore waxa uu hortagay xubnaha Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga.

WASHINGTON, USA - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka soo horjeesatay dadaallada lagu mamnuucayo TikTok, iyadda oo shaaca ka dhigtey in mamnuucida ay keeneyso faafreeb ballaaran.

Ilhaan ayaa waxay ku baaqdey wadahadal lagu xakameynayo dacaayadaha baraha bulshadda. Codka Xildhibaanadda wuxuu qeyb ka yahay mudaneyaal kale oo ku aragti a.

Sharci-dajiyayaashan oo ka kala tirsan labada xisbi ee Mareykanka ayaa cod dheer waxay kusoo jeediyeen in ay dib loo dhigo mamnuucida wallow ay shaki ka muujyeen app-kan.

"Waxaan ka soo horjeedaa dadaallada ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta ee ah in si kali ah looga mamnuuco TikTok," ayay Ilhaan ku tiri war qoraal ah.

Madaxa shirkadda TikTok Shou Zi Chew ayaa todobaadkii hore waxa uu hortagay xubnaha Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga ee Aqalka Hoose baarlamaanka Mareykanka.

Mudaneyaasha ayaa Chew waydiiyey su'aallo ay kaga dalbanayaan in uu sharaxaad kaga bixiyo qodobada ay walwal ka qabaan ee ku saabsan barnaamijkan aadka loo adeegsado.

Arrimaha ay su'aallo dul-istaageen ayaa kala ah; khataraha amniga qaranka, sirta xogta, faafinta macluumaadka khaldan iyo badbaadada carruurta aan qaan-gaarin ee adeegsata app-kan.

Mareykanka ayaa hormuud u ah dhowr waddan reer galbeed ah kuwaasoo olole xooggan ugu jira sidii loo mamnuuci lahaa Tiktok oo u arkaan in uu Shiinaha ku kordhinayo saameyntiisa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM