Xildhibaan ka badbaadey isku day la rabay in lagu dilo
KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan sagaal qof rayid ah ayaa ku dhimatay kuwa intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay caasimada Afghanistan ee Kabul Axada maanta ah kaasoo la sheegay in loola dan lahaa xubin ka tirsan baarlamaanka, sidda ay masuuliyiintu xaqiijiyeen.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas, qaraxa bambo-gacmeedka ayaa ka dhashay dhaawacyada tirro aysan cayimin.
Illo wareedyo booliis ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu in uu bartilmaameed weerarkan u ahaa kolonyo baabuur ah oo galbineysay xildhibaan Khan Mohammed oo dhaawacyo soo gaareen.
Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin dowladda Afqaanistaan ayaa ku eedeyneysa falaagada hubaysan ee Taalibaan weerarada noocan ah horey u fulisay.
Khamiistii, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afgaanistaan Deborah Lyons ayaa sheegtay in qasaaraha dadka rayidka ah ee ka dhashay qaraxyada macmalka ah ay kor u kaceen in ka badan 60% labadii bilood ee la soo dhaafay.
Isagoo warbixin siinaya Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Lyons waxay tiri "seddexdii bilood ee ugu horeysay sanadka 2020, waxyeeladda caruurta waxay sare u kacday 25% seddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka weerarada ka dhanka ah iskuulada isla waqtigaas ay kordheen afar jeer".
"11-kii bilood ee ugu horeeyey sanadka 2020, dilalka qorshaysan ee ay geystaan kooxaha dowlada ka soo horjeeda ayaa sare u kacay ku dhowaad 40% marka loo barbardhigo isla mudadaas isla sanadkaas 2019. Layaab malahan markaa in Heerka Nabada Caalamiga ah ee sanadka 2020 lagu daro Afghanistan inay tahay wadanka ugu nabada yar adduunka sanadkii labaad oo isku xigta," ayaa lagu yiri qoraalka UNAMA.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay socdaan wadahadallo nabadeed oo mugdi ku jiro oo u dhexeeya dawladda Afgaanistaan iyo Taalibaan oo ka socda Doha, Qatar oo hakad la geliyay ugu yaraan saddex toddobaad.
Wadahadalada ayaa looga golleeyahay in lagu soo afjaro ku dhowaad labaatan sano oo colaad ah kadib heshiis nabadeed taariikhi ah oo dhex maray Mareykanka iyo Taalibaan oo qalinka lagu duugay horaantii bishii Febraayo kaas oo ku baaqaya in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye ee Afghanistan.
GAROWE ONLINE