Xildhibaan cunaqabateyn loo saarey "cunsuriyad" uu ku kacay

Image
Grégoire de Fournas ayaa laba bilood laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka iyo in laga jaro gunnadiisa.

PARIS, France - Xildhibaan midigta-fog ah ayaa 15-cisho laga mamnuucay baarlamaanka Faransiiska kadib markii uu ku qeylinayay "waa inay ku laabtaan Afrika" kadib markii mudane madow ah uu ka hadlay arrimaha socdaalka.

Grégoire de Fournas oo ka tirsan xisbiga National Rally (RN) ayaa sheegay in hadalkiisa uusan ula jeedin Carlos Martens Bilongo balse uu ku wajahan yahay muhaajiriinta isku dayaya inay Yurub ku gaaraan dhanka badda.

Mr Bilongo ayaa sheegay in uu ku dhashay dalka Faransiiska hadalkaasina uu yahay mid laga xishoodo. Xildhibaanada ayaa Jimcihii u codeeyay in Grégoire shaqada laga joojiyo lana xayiro kala bar gunnadiisa. Go'aanka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay cunaqabateyntii ugu adkeyd ee Golaha la horgeeyo.

Mr Bilongo ayaa su’aalo ka weydiinayay dowladda codsi uga yimid hay’adda aan dowliga ahayn ee SOS Méditerranée oo ku saabsanayd in laga caawiyo sidii ay deked u heli lahaayeen 234 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda maalmihii la soo dhaafay.

Micnaha saxda ah ee hadalka Grégoire ayaa kala qeyb-sanaan ka dhex-dhalisay mudaneyaasha baarlamaanka maadaama qaab uu u dhigay ay ka turjumaysay wax ka badan hal qof.

Luuqadda Faransiiska, magac-u-yeelaha "ayaga" waxaa loo fasiri karaa "isaga" taas ayaana loo daliishadey go'aanka shaqada looga joojiyey. Madaxda sarre ee dalkaas oo cambaareeyay hadalka Grégoire ayaa ku qeexay "faquuq".

Mawduuca muhaajiriinta ayaa xasaasi ka ah gudaha Faransiiska waxaana uu xudun u ahaa ololaha doorashada sanadihii lasoo dhaafay. Doorashada soo aadan, waxaa la filayaa in mar kale uu ajandaha soo aadan noqdo soo-galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xayiraad dhanka Socdaalka kusoo rogaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Inkasta oo mamnuucidii hore la dacwooday maxkamad, maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa ugu dambeyntii ansixisay nooc ka duwan.

  • Caalamka

    15-03-2025

  • 11:03AM

Putin: Ciidamada Ukraine ee go'doonsan waa inay is dhiibaan ama dhintaan

Arbacadii, Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay ciidamada Ruushka ee ku sugan Kursk, isaga oo faray in si degdeg ah dib loogu qabsado gobolka.

  • Caalamka

    14-03-2025

  • 01:34PM