Xildhibaan cunaqabateyn loo saarey "cunsuriyad" uu ku kacay

Image
Grégoire de Fournas ayaa laba bilood laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka iyo in laga jaro gunnadiisa.

PARIS, France - Xildhibaan midigta-fog ah ayaa 15-cisho laga mamnuucay baarlamaanka Faransiiska kadib markii uu ku qeylinayay "waa inay ku laabtaan Afrika" kadib markii mudane madow ah uu ka hadlay arrimaha socdaalka.

Grégoire de Fournas oo ka tirsan xisbiga National Rally (RN) ayaa sheegay in hadalkiisa uusan ula jeedin Carlos Martens Bilongo balse uu ku wajahan yahay muhaajiriinta isku dayaya inay Yurub ku gaaraan dhanka badda.

Mr Bilongo ayaa sheegay in uu ku dhashay dalka Faransiiska hadalkaasina uu yahay mid laga xishoodo. Xildhibaanada ayaa Jimcihii u codeeyay in Grégoire shaqada laga joojiyo lana xayiro kala bar gunnadiisa. Go'aanka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay cunaqabateyntii ugu adkeyd ee Golaha la horgeeyo.

Mr Bilongo ayaa su’aalo ka weydiinayay dowladda codsi uga yimid hay’adda aan dowliga ahayn ee SOS Méditerranée oo ku saabsanayd in laga caawiyo sidii ay deked u heli lahaayeen 234 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda maalmihii la soo dhaafay.

Micnaha saxda ah ee hadalka Grégoire ayaa kala qeyb-sanaan ka dhex-dhalisay mudaneyaasha baarlamaanka maadaama qaab uu u dhigay ay ka turjumaysay wax ka badan hal qof.

Luuqadda Faransiiska, magac-u-yeelaha "ayaga" waxaa loo fasiri karaa "isaga" taas ayaana loo daliishadey go'aanka shaqada looga joojiyey. Madaxda sarre ee dalkaas oo cambaareeyay hadalka Grégoire ayaa ku qeexay "faquuq".

Mawduuca muhaajiriinta ayaa xasaasi ka ah gudaha Faransiiska waxaana uu xudun u ahaa ololaha doorashada sanadihii lasoo dhaafay. Doorashada soo aadan, waxaa la filayaa in mar kale uu ajandaha soo aadan noqdo soo-galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM