Xildhibaanada Denmark oo la faray in ay iska tirtiraan app-ka TikTok

Image
Talaabadan ayaa waxay daba socotaa talooyinka ka soo baxay Xarunta Ammaanka Internet-ka.

COPENHAGEN, Denmark - Baarlamaanka Denmark ayaa ku dhawaaqay inay ka codsadeen mudanayaasha iyo dhammaan shaqaalaha in telefoonadooda iyo aaladaha ay adeegsadaan ka saaraan app-ka TikTok.

Talaabadan ayaa waxay daba socotaa talooyinka ka soo baxay Xarunta Ammaanka Internet-ka ee Denmark oo ku boorisey saraakiisha iyo shaqaalaha dawladda inay ka dheeraadan barnaamijkan.

Soojeedintaas ayaa salka ku haysa go'aan uu gaarey guddiga ugu sareeya ururka Midowga Yurub kaasoo ka mamnuucay app-ka "si looga hortago jaajuusnimo suurtagal ah".

"Waxaa jirta khatar basaasnimo marka la isticmaalayo TikTok, marka sidaas ayaan ula qabsanaynaa soojeedintan loo qaateenka ah," ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Denmark, Soren Gade.

Baarlamaanka Mareykanka ayaa meelmariyay mamnuucid looga masaxayo app-ka TikTok inta badan agabka dowladda, kaasoo madaxweyne Joe Biden uu saxiixay dabayaaqadii bishii Disembar.

Shaqaalaha hay'adaha federaalka Mareykanka ayaa dhowaan lagu amray inay sidaas oo kale sameeyaan. Dowlada Canada ayaa horaantii todobaadkan ka mamnuucday TikTok dhamaan taleefanadeeda iyo aaladaha kale.

App-kan muuqaalada la isaga duubo ayna leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance waxaa la soo deristay baaritaanno dheeri ah oo ku aaddan cabsida laga qabo inay Beijing siiso xogta isticmaaleyaasha xasaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM