​Xildhibaanada Uganda oo gacanta isula tagay

Image

Xildhibaanada Barlamanka dalka Uganda ayaa dood adag ka yeeshay qodob kamid ah Dastuurka dalkaas oo ka hadlay da’da qofka noqonaya Madaxweynaha waddankaas ee loo ogol yahay inuu xukunka qabto ama uu sii hayo.

Dooddaas waxaa hareeyay buug kaasoo markii dambe isu badalay inay gacan isula tagaan Xildhibaanada dalkaas.

Gacan ka hadalka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah Xildhibaanada uu hoolka lasoo galay Qori.

Gudoomiyaha Barlamanka Uganda ayaa amray in lasoo saaro qoriga, balse ma suurto galin sida ay qoreen warbaahinta gudaha waddankaas. Murankan ayaa sidoo kale yimid kadib markii Mudanayaasha ay aad ugu kala fogaadeen doodooda la xariirta qodobkaas.

Muddo 20 daqiiqo ayaa xisadan socotay iyadoo waqti badan ku lumay in la dajiyo gacan ka hadalkaas islamarkaana si caadi ah lagusoo ajandahii laga hadlayay.

Garab kamid ah Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeday in la xadido da’da Madaxweynaha waddanka, halka qaybtood ay soo jeediyeen in laga 75 sano oo ah sida uu qabo Dastuurka dalkaas.

Arinta xadidaada da'da madaxweynaha ayaa xiisad siyaasadeed ka dhalisay Uganda, maadama madaxweyne Yoweri Museveni oo hadda 73 jir ah aanu dastuurka u ogaalaneyn inuu markale tartamo.

Madaxweyne Museveni ayaa xilka haya tan iyo 1986, waxaana si dimuqraadi ah loo soo doortay wixii ka dambeeyay sannadkii 1996, balse tallaabadan ayaa ka horjoogsan doonta inuu mar lixaad u tartamo xilkaas doorashada dhacaysa sanadka 2021 hadii sida lasoo koobo da’da.

Xisbigiisa NRM ayaa ku howlan sidii dastuurka looga saari lahaa qodobka xadidaya da'da madaxweynaha sida ay ku waramayso warbaahinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM