Xilka ka qaadista Trump oo waji cusub yeelatay xili la helay marqaati kale

Image

WASHINGTON, US - Sharci dajiyayaasha Mareykanka ee wada dacwada ka dhanka ah madaxweyne Donald trump ayaa todobaadkan markhaati furayaal kale wareysanaya.

Xubnaha cusub ayaa wajahaya waydiimo ku aadan qaabka uu madaxweynuhu ugu cadaadiyey mas’uuliyiinta dalka Ukraine in ay baaritaan ku furaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Siddeed xubnood oo wali qaarkood u shaqeeyaan dowladda ayaa la filayaa inay toddobaadkan hortagaan guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada.

Dhageysigan xubnahan ayaa waxa si toos ah looga daawan doonaa taleefishinada ugu caansan gudaha waddanka Mareykanka.

Gordon Sondland, oo ah danjirihii hore ee Mareykanka u u fadhiyey Midowga Yurub ayaa ah xubinka ugu sarreeya ee markhaati furayaasha cusub ku jira taas oo xilka ka xayuubinta Trump waji cusub u yeelaysa.

Wareysiyadii hore ee uu bixiyey Mr Sondland ayuu ku sheegay in uu horaantii bishii September uu u sheegay mid ka mid ah gacan yarayaasha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in aanay heli doonin taageerada Malateri ee Mareykanka.

"....ka hor inta aanay kiis dacwad aan qarsooneyn ku furin Joe Biden," ayuu hadalkiisa raaciyey sidda ay warbaahinta qortay.

Shaqsigan ayaa ugu deeqay ololihii Donald Trump hal milyan oo dollar ka hor intii aan loo magacaabin danjiraha Brussels ee Mareykanka,

Waa arrinka lafdhabarka u ah baaritaanka ay wadaan sharci dejiyayaasha Aqalka Wakiilada ee ay ku doonayaan in ay madaxweyne Donald Trump kusoo oogaan dacwada ay doonayaan in xilka lagaga xayuubiyo.

Trump ayaa isagu beeniyey in uu wax khalad ah ku kacay. Balse xubnaha maamulkiisa kasoo horjeeda ayaa karaar siinaya kiiskan oo meeshii ugu sareysa waqti xaadirkaan maraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM