Xiriirka Putin iyo Xi oo lagu qeexay "guur aan ku imaan jaceyl"

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa si weyn hoos-ugu-dhigay xiriirka labadan hogaamiye.

WASHINGTON, United States of America - Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa si weyn waxa uu hoos-ugu-dhigay cilaaqaadka qotoda dheer ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka isaga oo la barbar-dhigay kuna qeexay "guurka aan ku imaan galkaceyl".

Blinken ayaa hadalkan jeediyay Arbacadii ka dib markii madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, laga duubay muuqaal iyagoo si diiran u macsalaameynaya kadib laba maalmood oo kulamo si gaar ah isha loogu hayay oo ka dhacayay Moscow.

"Waa qeyb yar oo ka duwan aragtida aan dunida oo dhan ka haysano, waxay ku jiraan guur aan ku imaan galkaceyl," ayuu Blinken u sheegay Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senetka Mareykanka. "Ma hubo in ay dembi tahay," ayuu sii raaciyey

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tibaaxay in Ruushka uu yahay "saaxiibka soo barbaaraya" wuxuuna xusay in Shiinuhu uu ilaa hadda diiday inuu hub siiyo Moscow dagaalka uu ka wado Ukraine.

"Maanta aan hadlayno, ma aanan arag iyaga oo ka gudbaya xariiqaas," ayuu sii raaciyey isaga oo u muuqda mid ka hadlaya in China aysan wali ku dhiiran in ay hub ku taakuleyso Russia.

Wuxuu ku daray: "In inkasta oo Shiinuhu uu rajaynayay in uu ku beddelo nidaamka caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo oo uu ku beddelo aragtidiisa “aan xorta ahayn”, Ruushku uma muuqdo in uu doonayo fikir noocaas ah oo aan galno khalkhal aduun".

Wadahadallada Putin iyo Xi waxay ahaayeen tusaalihii ugu dambeeyay ee xiriirka qoto dheer ee u dhexeeya Beijing iyo Moscow, kuwaas oo wadaaga shakiga wadajirka ah ee reer Galbeedka, tan iyo markii lagu dhawaaqay iskaashiga "aan xad lahayn" bishii Febraayo ee sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM