Xiriirka Rwanda iyo DRC oo gaarey meeshii ugu hooseeyay

Image
Dalalkan dariska ah ayaa midba kan kale ku eedeeyay "in uu hubeeyo" falaagado ka kala dagaalama labada dhinac.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ku amartay safiirkeeda cusub ee u fadhin doona dalka Rwanda in uusan billaabin shaqadiisa, taasoo ah calaamadii ugu dambeysay ee xiriirka dalalka deriska ah ee xumaaday.

Waxaa lagu amray "inuu sii wado soo gudbinta waraaqaha aqoonsiga ee saraakiisha Rwanda ilaa amar dambe". Talaabadan waxay astaan ​​u tahay bilawga rasmiga ah ee waajibaadka diblomaasiyadeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee DR Congo ayaa sheegtay in ay sidoo kale dib ugu yeertay sii hayaha safaaradda Kigali "la-tashi". Arrintan ayaa lagu dhawaaqay Isniintii, xilli safiirka Rwanda ee Kinshasa, Vincent Karega, uu ka tagay DR Congo. Rwanda waxay sheegtay inay "ay ka xuntahay" cayrintiisa.

DR Congo ayaa deriskeeda ku eedaysay in ay kusoo qaadey weeraro gardaro ah iyadda oo soo dhexmareysa falaagadda hubeysan ee lagu magacaabo M23.

Rwanda ayaa si joogta ah u beenisa eedeymahaas, waxayna taa beddelkeeda ku eedeysay ciidamada DR Congo inay gacan saar la leeyihiin jabhad, FDLR, oo fadhigoodu yahay bariga dalkaas, ujeedkooduna yahay inay weeraraan Rwanda.

DR Congo ayaa iyaduna beenisay eedeymahaas, iyadoo madaxweyne Félix Tshisekedi uu ka sheegay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay bishii Sebtembar in FDLR "lagu jebiyay" hawlgalladii hore ee militariga wadajirka ahaa ee DR Congo iyo Rwanda.

Tshisekedi ayaa waxa uu sheegay in eedayntu ay tahay "alibi aan caddayn" Rwanda si ay "u qiil uga dhigto gardarrada soo noqnoqda" ee ka dhanka ah DR Congo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Axaddii ugu baaqay "M23 iyo kooxaha kale ee hubaysan inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda oo ay hubka ka dhigaan shuruud la'aan".

Dhammaadkii todobaadkan, M23 waxay qabsadeen magaalooyinka Rutshuru iyo Kiwanja - oo 70km u jira magaalada Goma, ee xarunta gobolka Waqooyiga Kivu. Tan iyo bishii June waxa ay sidoo kale haysay magaalada Bunagana oo ku taal xadka Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM