Xisbiga Midig-fog oo Looga Adkaaday Doorashadii Holland

Image

Natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay doorashada dalka Holland, ayaa muujinaya in xisbiga ra’iisul wasaare Mark Rutte uu ku guuleystay kurasta ugu badan baarlamanka, kana adkaaday xisbiga kasoo horjeeda soo-galootiga iyo islaamka ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa xisbiga midig dhexe ee Rutte waxaa la filayaa inuu ku guuleysto 32 ka mid ah 150 kursi ee baarlamanka, isaga oo si aad ah uga horeeya dhammaan xisbiyada kale. 

Saddex xisbi oo kale ayaa la filayaa inay ku guuleystaan min 19 kursi, waxaana ku jira xisbiga Freedom Party ee Wilders iyo xisbiyada Christian Democrats iyo D66. Natiijada rasmiga ah ee sida loo kala helay kuraasta baarlamanka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 21-ka Maarso. 

Saraakiisha ayaa sheegay in codadka ay dhiibteen 81 boqolkiiba dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan, taasi oo ahayd tii ugu badneyd muddo 30 sano ah. 

Andre Krouwel oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Free University ee magaalada Amsterdam ayaa sheegaya in dadka tirada badan ee doorashada isugu soo baxay ay muujineyso in muwaadiniinta dalkaas ay u arkeen doorashadan mid aad muhiim u ah.

VOA

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM