Xisbiga Trump oo looga adkaadey Doorashadii Maxkamadda Sare ee Wisconsin 

Image

WASHINGTON - Gobolka Wisconsin ayaa qabtay doorasho muhiim ah oo lagu dooranayey garsoore cusub oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee gobolkaas. Garsoore Susan Crawford, oo ka tirsan garabka dimoqraadiga, ayaa ku guuleysatay doorashada, iyadoo ka adkaatay Brad Schimel, oo ah garsoore taabacsan Jamhuuriga, islamarkaana si weyn u taageeray Elon Musk.

Guusha Sudan Crawford waxay suurtagelisay in garabka dimoqraadiga uu sii hayo aqlabiyadda 4-3 ee maxkamadda — taasoo la filayo inay saameyn weyn ku yeelato go’aamo muhiim ah oo la xiriira xuquuqda haweenka iyo dib-u-habeynta xuduudaha doorashooyinka.

Doorashadan ayaa soo jiidatay indhaha qaranka Maraykanka iyadoo noqotay tii ugu qaalisanayd ee abid lagu tartamo xil garsoore ah — iyadoo lacagta ololaha lagu bixiyey ay kor u dhaaftay $100 milyan. Elon Musk ayaa kali ah bixiyey in ka badan $25 milyan si uu u taageero Schimel.

Guusha Crawford waxaa loo arkaa dharbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday Donald Trump,  oo si buuxda u taageeray Schimel. Natiijadan waxay calaamad u tahay suurtogalnimada in doorashooyinka mustaqbalka ay si weyn u saameeyaan maalgelinta xad-dhaafka ah ee ka timaada shaqsiyaadka dhaqaalaha xooggan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM