Xisbullah oo laga dilay sarkaalkii ugu sareeyay ee dhanka warbaahinta

Image
Mohammad Afif ayaa lagu beegsaday xaafad mashquul badan oo ku taalal magaalada Beyruut.

ANKARA, Turkey - Weerar ay Israa’iil ku qaaday dhismo ku yaalla degmo ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla magaalada Beyruut ayaa lagu dilay madaxii xiriirka warbaahinta ee ururka Xisbullah, Mohammad Afif.

Sida ay sheegeen laba ka mid ah ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo u dhashay Lubnaan, Afif ayaa isla goobta ku dhintay inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Xisbullah.

Duqeynta ayaa lagu garaacay xaafadda Ras al-Nabaa halkaas oo dad badan oo ka barakacay magaalada Beyruut ee ku taal koonfurta bari ee duqeymaha Israa’iil ay magangalyo u doonanayeen.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in la duqeeyay dhismo ay ku yaalaan xafiisyada xisbiga Baath, madaxa xisbiga ee Lubnaan Cali Xijaazi ayaa u sheegay warbaahinta Lubnaan ee Al-Jadiid in Afif uu ku sugnaa dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM