Xisbullah oo u sacbatuntay duulaanka Ruushka ee Ukraine
TEHRAN, iran – Kooxda Shiicada ah ee ka dhisan dalka Lubnaan ee Xisbullah, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin hadalada Maraykanka ee ah “Ruushka inuu dembiyo dagaal ka geystay Ukraine” ayadi oo maamulka Maraykanka ku eedaysay in uu dambiyo dagaal ka gaystay Afganistan, Ciraaq, Suuriya iyo Soomaaliya.
“Mareykanka ayaa dambiyo ka geystay caalamka oo dhan, kuwaas oo u dhexeeyay Japan ilaa Afganistan, Ciraaq, Suuriya iyo Soomaaliya. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay xafladaha aroosyada ee Afgaanistaan, iyaga oo ka dhigay tacsi,” Hassan Nasrallah xoghayaha guud ee kooxdaan ayaa sidaa ku sheegay khudbad si toos ah looga sii daayay magaalada Beyruut.
Waxa uu intaa ku daray, “Maxay Maraykanku ka oran karaan xasuuqa ay Sahyuuniyadda u gaysanayaan Falastiin iyo dembiyada dagaal ee Israa’iil? Maxay ka oran karaan go’doominta marinka Qaza? Maxay ka oran karaan xasuuqa gardarada ah ee xulafada Sucuudiga iyo Maraykanku ka wadaan Yemen? Maxay ka oran karaan go’doominta Yemen?
Madaxa Xisbullah ayaa xusay in ay tahay in kumanaan maxkamadood la soo taago si loo horkeeno cadaaladda saraakiisha ciidamada Mareykanka iyo Yurub ee dambiyada ay ka geysteen Aljeeriya, Liibiya iyo meelo kale oo caalamka ah.
Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay sida ay beesha caalamku ugu aamustay weerarkii Jimcihii lagu qaaday masaajid Shiicada ah oo ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 61 qof, ayna ku dhaawacmeen 196 kale, isagoo sheegay in kuwii weerarka geystay ay ahaayeen kuwo uu Mareykanku sameeyay, lana faray in ay dambiyadaan fuliyaan.
"Kalsoonida Ameerikaanku waxay u tarjumaysaa nacasnimo, doqonimo iyo jaahilnimo," Nasrallah ayaa yiri, isagoo hadalkiisa raaciyay, "Ukrain waxaa hoos u dhigay kuwa ay ku xisaabtameen, waxayna bilaabeen in ay ku dhawaaqaan in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la yeeshaan Moscow," ayuu yiri Nasrallah.
"Daawaynta mowjadihii ugu dambeeyay ee qaxootiga ka yimid Ukraine waxay daaha ka qaadaysaa takoorka ku salaysan diinta, midabka, iyo madhabka. Tani ma ilbaxnimadii reer galbeedka baa? ayuu isweydiiyay.
Xoghayaha guud ee Xisbullah ayaa carabka ku adkeeyay in u hogaansanaanta amarrada Mareykanka aysan shaqayn doonin Lubnaan, balse ay taasi badalkeeda kordhin doonto dhibaatada haysata. "Dalabyada Maraykanku ma joogsadaan xad kasta," ayuu xusay.
Nasrallah wuxuu sheegay in Lubnaan ay u codaysay hawlgallada militari ee Ruushka ee Ukraine ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, in kasta oo ay dooran karto in ay ka aamusto.
"Wakiilada Lubnaan waxay ahayd in ay u sheegaan dadka Mareykanka in dadka Lubnaan aysan ahayn addoommadooda. Tani waa waxa ay gobannimadu ku baaqayso. Cambaareynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan ee ku aaddan howlgallada militari ee Ruushka ee Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dalbaday oo ay diyaarisay safaaradda Mareykanka ee Beirut,” ayuu yiri madaxa Hezbollah.
"Aaway siyaasaddii kala qaybinta ee dawladda Lubnaan ku baaqday? Maxay u doodayaasha dhexdhexaadnimada uga aamuseen hadalka wasaaradda arrimaha dibadda? Nasrallah ayaa weydiiyey.
"Oraahda ku saabsan dhexdhexaadnimada waxay marmarsiyo u tahay in laga baxsado mas'uuliyadda ku saabsan qadiyadda Falastiin iyo dagaallada Suuriya iyo Yemen. Waxa dhacay waxa ay soo afjaraysaa beentii waynayd ee ahayd in Xisbullah ay ku dhaqmayso madax-banaanida go’aannada dawladda Lubnaan,” ayuu tilmaamay.
"Maxay saraakiisha Lubnaan ka heleen dadka Mareykanka ah ee bixiya balamo been abuur ah? Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku weli ma siin Masar iyo Urdun dukumeenti ka saaraya sharciga Kaysar haddii gaaska dabiiciga ah laga soo wareejiyo Suuriya oo la geeyo Lubnaan,” ayuu yiri madaxa Hezbollah.
"Hal sano iyo bar ka hor, shirkad Ruush ah ayaa ku yaboohday in ay dhisto warshad saliid sifaysa, oo ku kacaysa ku dhawaad laba bilyan oo doolar. Xaruntu waxay sifeyn lahayd saliidda cayriin oo laga dhigay noocyo kala duwan. Lubnaan waxay markaas dhoofin kartaa waxyaabaha saliidda ka soo baxa.
"Maraykanku waxay ka hor istaagaan Lubnaan in ay aqbasho dalabka Ruushka, iyaga oo aan soo bandhigin beddelka," Nasrallah ayaa yiri.
Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun iyo Golaha Wasiirada inay qaataan dalabka Ruushka si looga gudbo shidaal yarida dalka ka jirta dalkaan iyo guud ahaan caalamka.
GAROWE ONLINE