Xubinimada Ruushka ee booliska Interpol oo la hakinayo
WASHINGTON, USA – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Merrick Garland, ayaa ku biiray wasiirada cadaalada ee dhowr wadan oo xulafo ah si ay uga dalbadaan booliska caalamiga ah ee Interpol in ay si deg deg ah uga joojiyaan Ruushka helitaanka nidaamkooda, sida uu sheegay afhayeenka waaxda cadaalada, Anthony Coley.
Coley ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray habeenimadii Axada in Garland, oo ay weheliyaan wasiirada kale ee cadaalada ee dalalka Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Kanada, Australia iyo New Zealand, ay ka codsadeen Interpol iyo guddigeeda fulinta "in ay go'aan ka gaaraan toddobaadkan in Ruushka uu kasii mid noqdo midaamka mideysan ee bileyska".
Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain, Priti Patel, ayaa sidoo kale barteeda Twitter-ka ku soo qortay habeenimadii Axadda: "Falalka Ruushku waxay khatar toos ah ku yihiin ammaanka shakhsiyaadka iyo iskaashiga fulinta sharciga caalamiga ah."
Interpol, oo u taagan Ururka Caalamiga ah ee Booliska Dambiyada, waa wakaalad caalami ah oo u sahlaysa bOoliiska 195 wadan ee xubnaha ka ah in ay iska kaashadaan dambiyada.
Hay’adda Interpol waxay soo saartaa waxa loo yaqaan Ogeysiisyada Cas si ay u codsato goobta iyo in la xidho shaqsiga la sugayo dhiibistooda.
Ruushku ayaa wuxuu ka mid yahay dalal faro ku tiris ah oo lagu yaqaano ku takri-fal nidaamka si ay uga daba tagaan dadka ka soo horjeeda dawladda, sida ay sheegeen qareeno iyo khubaro.
Haddii Ruushka laga hakiyo xubinimadda Interpol, waxay sababi doontaa in waddanka inuu sii wado ka qaybqaadashada sidaas darteedna wuxuu waayi doonaa codsiyada Ogeysiisyada Cas, laakiin kama saari doonto Ogeysiisyada Casaanka ah ee horey ugu jiray nidaamka.
GAROWE ONLINE