Xulufada Sacuudiga oo Aqbalay in laba Maalin oo Fursad ah la siiyo xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Qadar

Image

Xulufada uu horkacayo Sacuudiga ayaa dowladda Kuwayt ka aqbalay dalab ah in muddo 48 saacadood ah fursad la siiyo in xal diblumaasiyadeed laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Qadar iyo dowladaha kale ee Khaliijka.

Warkan oo lagu daabacay wakaalad-da wararka ee Sacuudiga ayaa imaanaya ,iyadoo dowladda Qadar ay shalay sheegtay in aysan suurtagal ahayn in dhankooda ay aqbalaan dalabka ka soo yeeray dowladaha xulufada ah ee xiriirka u jaray Doha.

Amiirka dowladda Kuwait Shiekh Sabah Al Ahmed ayaa ka dalbaday dowladaha sedexda ah in waqtiga loo kordhiyo wada-hadalo suurtagal ah oo ay dhinacyada is haya ka yeelan karaan khilaafka u dhaxeeya ,kaasi oo saamayn balaaran ku yeeshay Khaliijka.

Muddo 10 cisho ah oo loo qabtay dowladda Qadar ayaa ku ekayd xalay fidkii ,xilli dowladaha taageersan Qadar ay ka codsadeen xulufada Sacuudiga in ay la yimaadaan Qodobo laga wada-hadli karo ,isla markaana aan fara-galin dheeri ah ku  samayn doonin madax banaanida Qadar.

Xulufada Sacuudiga oo Aqbalay in laba Maalin oo Fursad ah la siiyo xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Qadar ,waxaana la filayaa in wasiirada arimaha dibadda ee afarta dal ee cunaqabtaynta soo rogay ay ku shiraan magaalada Qaahiro si looga tashto talaabooyinka xiga ee ku aadan arinta Qadar.

Ugu danbaysan , safiirka Imaaraadka ee Ruushka ayaa sheegay in Qadar ay wajihi karto cunaqabtayn dheeri ah  hadii aysan aqbalin dalabka 13-ka qodob ka kooban ee horey loogu soo gudbiyay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM