Xuutiyiinta Oo Afar Maalin u qabtay Israa’iil Inay Gargaarka Bani’aadamnimada u Fasaxdo Gaza

Image

SANAA – Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ee Yemen, Abdulmalik al-Houthi, ayaa soo saaray amar afar maalmood ah oo ku wajahan Israa’iil, isagoo ka dalbaday inay ogolaato gelitaanka gargaarka bani’aadamnimada ee loo qorsheeyay Gaza, haddii kale kooxdiisu waxay dib u bilaabi doonaan weeraradii badda Cas ee ka dhanka ahaa Maraakiibta Israa’iil.

Al-Houthi ayaa ku sheegay khudbad telefishan oo uu si toos ah uga soo jeediyay kanaalka al-Masirah ee kooxdiisa, "Ma awoodno inaan daawanno xoojinta xiisadda iyo xannibaadda gargaarka ee ka hortagaysa inuu galo Gaza."

"Waxaan siinaynaa afarta maalmood ee soo socda dhexdhexaadiyeyaasha inay ka shaqeeyaan sidii ay gargaarka ugu gaarsiin lahaayeen Gaza," ayuu raaciyay al-Houthi, "Haddii albaabada xuduuduhu ay weli xirnaadaan, iyo gargaarku uu sii xannibanyahay, waxaan dib u bilaabi doonaa howlgaladayadii badda ee ka dhan ah cadawga."

Tani waxay noqoneysaa hanjabaadkii labaad ee hoggaamiyaha Xuutiyiinta ee Israa’iil muddo toban maalmood gudahood. Hore ayuu uga digay inuu dib u bilaabi doono weeraradii ka dhanka ahaa magaalooyinka Israa’iil iyo maraakiibta ganacsiga ee xiriirka la leh Israa’iil ee ku sugan Badda Cas haddii Israa’iil ay sii wadato jebinta xabad-joojinta Gaza.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay dhowr jeer weeraro drone iyo gantaallo ah ku qaadeen magaalooyinka Israa’iil iyo maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas si ay u taageeraan Falastiiniyiinta intii u dhaxaysay Noofembar 2023 iyo Janaayo 19, 2025, marka xabad-joojinta ee dhexmartay Hamas iyo Israa’iil ay dhaqan gashay. Kooxdu sidoo kale waxay weerartay maraakiibta diyaaradaha ee Mareykanka iyo markabyo badda, iyagoo ballanqaaday inay xidhnaan doonaan Badda Mandab haddii Mareykanka uu sii wado dhoofinta hubka Israa’iil.

Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Xuutiyiinta loo aqoonsaday "Urur Argagixiso Ajaanib ah."

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay, "Howlaha Xuutiyiinta waxay khatar ku yihiin amniga shacabka iyo shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ammaanka xubnaha ugu dhow ee iskaashiga gobolka, iyo xasilloonida ganacsiga badda caalamiga ah."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo joojiyey $400 milyan oo deeq ah loo siin jiray Jaamacadda Columbia

Jaamacadda Columbia ayaa sanadkii hore noqotay xarun ay ka socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    08-03-2025

  • 05:35AM

Trump oo joojiyay xogihii dhanka Sirdoonka ee CIA-da la wadaagi jirtay Ukraine

Tan iyo bilawgii dagaalka ee sannadki 2022-kii, Maraykanku waxa uu Ukraine siinayay xogo sirdoon oo muhiim ah.

  • Caalamka

    06-03-2025

  • 07:08AM