Xuutiyiinta oo mar kale weerar ku qaadey Imaaraadka Carabta

Image
Xuuthiyiinta ayaa 17-kii bishii Janaayo weerar ku qaaday Abu Dhabi, halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof

ABU DHABI, UAE – Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay ka hortageen gantaal Balaastik ah oo laga soo ganay dalka Yaman xilli ay wadamada khaliijka ay marti galiyeen Isaac Herzog oo ah booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Israel uu ku tago dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca Imaaraatka ayaa sheegtay Isniintii in gantaalka la qabtay oo la burburiyay, waxaana ay intaa ku dartay in burburkiisa uu ku dhacay meel aan la deganeyn. Ma aysan sheegin in gantaalka lala beegsaday caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi ama Dubai oo ah xarunta ganacsiga iyo dalxiiska ee Bariga Dhexe.

Maamulka duulista rayidka ee Imaaraadka ayaa sheegay in isku socodka hawada dalka Khaliijka uu u socday sidii caadiga ahayd, dhammaan howlihii duulimaadyaduna ay si caadi ah u socdeen inkastoo uu weerarka dhacay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee WAM.

Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ee isbaheysiga la ah Iran, dagaalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna barakaceen malaayiin qof, ayna sababeen wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay bini’aadantinimo tii ugu xumayd ee adduunka ka dhibaato.

Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta Yemen ayaa goor dambe oo Axadii bartiisa Twitter-ka ku sheegay in kooxdu ay saacado gudahood ku soo bandhigi doonaan faahfaahinta hawlgal cusub oo milatari oo ka socda gudaha Imaaraadka. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.

Xuuthiyiinta ayaa 17-kii bishii Janaayo weerar ku qaaday Abu Dhabi, halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof, iyo weerar labaad oo gantaal ah toddobaad ka dib, ka dib markii kooxaha hubaysan ee Yemen ee uu Imaaraadku taageero ay soo farageliyeen jiidaha hore ee ay Xuutiyiintu soo galeen sannadkii hore.

Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga Sacuudiga ay burburiyeen gantaalada laga soo tuuro Yemen.

Weerarkii Isniintii ayaa ku soo beegmay xilli Herzog uu Abu Dhabi kala hadlay ammaanka iyo xiriirka labada dal dhaxal-sugaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Herzog ayaa xalay ku hoyday magaalada Abu Dhabi, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Israa'iili ah. Waxa uu sii wadi doonaa booqashadiisa Imaaraadka in kasta oo Xuutiyiinta ay weerareen, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Mareykanka, oo ka digay khatarta sii socota ee weerarada gantaalada ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la-talinta socdaalka usbuucii hore, ayaa cambaareeyay weerarka.

"Iyadoo madaxweynaha Israa'iil uu booqanayo Imaaraadka si uu u dhiso buundooyin iyo kor u qaadida xasilloonida gobolka, Xuutiyiintu waxay sii wadaan inay qaadaan weerarrada halista ku ah dadka rayidka ah," Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka.

Imaaraatka, oo ay weheliso Baxrayn, waxay heshiisyo caadi ah oo Maraykanku dhexdhexaadinayo la saxeexdeen Israa'iil, oo loogu magac daray "Heshiiska Ibraahim", 2020.

Imaaraatka Carabta ayaa si weyn hoos ugu dhigay joogitaankooda militari ee Yemen tan iyo sanadkii 2019-kii, balse wali waxa ay gacanta ku hayaan ciidamo badan oo maxalli ah oo ay dhisteen oo ay hubeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM