Yaxye Sinwar: Waa kuma hogaamiyaha Xamaas ee "Israa'iil ay dishay"?

Image
Dadka ku nool Gaza waxay aaminsan yihiin in Sinwar uu astaan ​​weyn ku leeyahay Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Yaxye Sinwar ayaa horay loogu xiray xabsiyada Israel. Waxa uu leeyahay taariikh dheer oo uu kula dagaalamayo Israa’iil, waxaana lagu sii daayay heshiis maxaabiis isku dhaafsi ah sanadkii 2011-kii.

Kadib waxa uu la wareegay hogaanka dhaq dhaqaaqa Xamaas ee Gaza waxa uuna sidoo kale mas’uul ka ahaa fulinta dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo ka dhan ah ciidamada Israel.

Dadka ku nool Gaza waxay aaminsan yihiin in Sinwar uu astaan ​​weyn ku leeyahay Falastiiniyiinta, dilkiisa suurtogalka ahna waxay khasaare weyn u tahay qof kasta oo Gaza jooga.

Waxay aaminsan yihiin inuu wax ku ool u ahaa ka shaqaynta ololaha iska-caabinta ee ka dhanka ah Israa'iil kaasoo soconaya tan iyo sannadkii la soo dhaafay.

Dadka ku nool Gaza waxay rumaysnaayeen inuu ku dhuumanayo dhulka hoostiisa. Laakin hadda hadii dilkaan la xaqiijiyo isagoo xirnaa dareeska ciidamada waxay la macno tahay in uu la socday dhamaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka ee goobta ka dhacay.

Waxay ka dhigan tahay in uu sidoo kale xiriir toos ah uu la sameynayay dhamaan dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan meelo kala duwan oo Gaza, Rafah iyo Khan Younis ah.

Sikastaba ha ahaatee, illaa waqt, dadka magaaladda Gaza ku nool waxay ku jireen dareen naxdin leh, qaar kalena waxay la yaaban yihiin cidda beddeli lahayd Sinwar, haddii la dilay, wallow loo badinayo Khaalid Mish'al.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM