Yaxye Sinwar: Waa kuma hogaamiyaha Xamaas ee "Israa'iil ay dishay"?

Image
Dadka ku nool Gaza waxay aaminsan yihiin in Sinwar uu astaan ​​weyn ku leeyahay Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Yaxye Sinwar ayaa horay loogu xiray xabsiyada Israel. Waxa uu leeyahay taariikh dheer oo uu kula dagaalamayo Israa’iil, waxaana lagu sii daayay heshiis maxaabiis isku dhaafsi ah sanadkii 2011-kii.

Kadib waxa uu la wareegay hogaanka dhaq dhaqaaqa Xamaas ee Gaza waxa uuna sidoo kale mas’uul ka ahaa fulinta dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo ka dhan ah ciidamada Israel.

Dadka ku nool Gaza waxay aaminsan yihiin in Sinwar uu astaan ​​weyn ku leeyahay Falastiiniyiinta, dilkiisa suurtogalka ahna waxay khasaare weyn u tahay qof kasta oo Gaza jooga.

Waxay aaminsan yihiin inuu wax ku ool u ahaa ka shaqaynta ololaha iska-caabinta ee ka dhanka ah Israa'iil kaasoo soconaya tan iyo sannadkii la soo dhaafay.

Dadka ku nool Gaza waxay rumaysnaayeen inuu ku dhuumanayo dhulka hoostiisa. Laakin hadda hadii dilkaan la xaqiijiyo isagoo xirnaa dareeska ciidamada waxay la macno tahay in uu la socday dhamaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka ee goobta ka dhacay.

Waxay ka dhigan tahay in uu sidoo kale xiriir toos ah uu la sameynayay dhamaan dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan meelo kala duwan oo Gaza, Rafah iyo Khan Younis ah.

Sikastaba ha ahaatee, illaa waqt, dadka magaaladda Gaza ku nool waxay ku jireen dareen naxdin leh, qaar kalena waxay la yaaban yihiin cidda beddeli lahayd Sinwar, haddii la dilay, wallow loo badinayo Khaalid Mish'al.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM