Gudoomiya loo soo magacaabay gobolka Hiiraan
20 December, 2015(GO)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday gudoomiyihii hore oo arrimo la xiriira baaritaan dil u jooga magalada Muqdishu.
Xasan Sheekh Maxamud ayaa xilkaasi u soo magacaabay Yusuf Axmed Xagar Dabageed oo horay xilkan u soo qabtay xilligii dowladdii ALLAHA u naxariistee Cabdullaahi Yusuf.
Magacaabista Dabageed ayaa timi kadib markii Cabdifataax Xasan Afrax lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha sarkaal katirsan hay'adda miino baarista ee Mine Action, kaasi oo dhawaan lagu dilay magalada Baladweyne.
GAROWEONLINE