17 xarumood oo lagu daweeyo xoolaha oo Puntland laga hirgeliyey

Image

May 11, 2015 (GO)- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa hirgelisey goobo loogu talo galay in lagu daweeyo xoolaha oo loogu talo galay in dadka xoola dhaqatada ahi ka faa'iideystaan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdwali Seed Cilmi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in wasaaraddu hirgelisey 17 xarumood oo loogu talo galay in caafimaadka xoolaha lagula socdo.

Wasiir ku-xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in magaalada Garowe laga dhisayo suuq casri ah oo xoolaha lagu gado, isagoo intaas ku daray in la kordhiyey tirada dhaqaatiirka xoolaha ee ka diiwan gashan Wasaaradda.

Ugu dambayntii wuxuu ugu baaqay xoolo dhaqatada inay tagaan xarumaha caafimaadka si ay xoolahooda u daweeyaan.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku tiirsan xoolaha nool, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 ay dhoofeen xoolo aad uga badan kuwii Soomaaliya laga dhoofiyey tobankii sano ee ugu dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM