Abgaal: Ma jiro qodob dastuuri ah oo is-casilaad faraya Deni

Image
Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha uu u taagan yahay "isbedel".

BOOSAASO, Puntland - Ma jiro qodob dastuuri ah madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni faraya in uu is-casilo kahor inta uusan u tartamin jagadda madaxtinimadda Soomaaliya, sidda uu shaaciyey wasiir.

Xasan Shire Abgaal, wasiirka maaliyadda Puntland oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Boosaaso, ayaa ku nuux-nuux-sadey in Deni uu u taagan yahay "isbedel hogaan oo dalku galo".

Sida laga soo xigtey Abgaal, shaqsiyaadka u ololaynaya in uusan isbedel dhanka hogaanka ah uusan ka dhicin waddanka waxay hormuud ka tahay "dhagarta loo maleegayo qaranka".

"Waxaa isku milmay dowlada hadda jirta iyo Al-Shabaab. Waxa loo baahan yahayna waa isbedel; isbedalkaas yaan shaki la gelin, yaan war been ah la idin sheegin," ayuu hoosta ka xariiqay wasiir Abgaal.

Wuxuu raaciyey: "Marka aad maleyso dad dhahaya madaxweynaha [Saciid Cabdullaahi Deni] ha is-casilo waxaad moodaysaa in ay jiraan dad raba in dalka sidaan sii ahaado oo Al-Shabaab ay qabsato".

"Madaxweynaha waa tartamayaa; madaxwaynayaal hore oo Puntland oo tartamay ayaa jira oo goortay heleen is-casilay. Sharci iyo dastuur bay Puntland leedahay oo la dhaafi maayo," ayuu xusay.

Abgaa ayaa kusoo xiray: "Maxay tahay kaliya sababta [Xildhibaanad Aamina] loogu dilay Beledwyane oo siyaasiyiintii kale u dhex-marayaa magaalada, shakiga marka laga yimaado, dayacaad ayaa jira".

Dastuurka Puntland ayaa u fasaxaya madaxweynaha waqtigaas xafiiska jooga in uu u ordi karo tartanka hogaaminta Soomaaliya isaga oo aan faarujin xafiiska uuna kusoo laaban karo hadii uu guuldareysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM