Xubno kamid noqonaya guddiga doorashada Puntland oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa soo bandhigay afarta xubnood ee ay dastuuriyan u leeyihiin in ay soo xulaan si ay uga mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka maamulkan.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo Arbacadda maanta ah kasoo baxay xafiiska gudoonka, afarta xubnood oo ay ku jirto hal haweenay ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin;

1. Guuleed Saalax Barre
2. Jaamac Xirsi Faarax
3. Xasfo Salaad Maxamed.
4. Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal (9) xubnood ayaa shan (5) kamida waxaa magacaaba madaxweynaha, halka afarta (4) kelana uu soo xulo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu horey uga dhawaajiyey in dhankiisa ay diyaar ka yihiin xubnaha shanta ah, isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo saari doono.

Kadib marka lasoo wada magacaabo xubnaha ayaa waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida oo ay ku howlgeli doonan.

Guddiga cusub ayaa mid kamid ah waajibaadyadda culus ee horyaala waxaa kamid ah in ay Puntland ka hirgeliyaan nidaamka dimoqraadiga oo ay muddo ku taaheyso.

Xubnihii hore oo is-wada casilay ayaa ku guuldareystay hirgelinta nidaamkaasi oo horseedaya doorasho qof iyo cod ah, isla markaana taladda loogu celinayo dadweynaha.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM