Africa Oil oo ka baxdey heshiiska shidaalka ee Puntland

Image

VANCOUVER, BRITISH COLUMBIA- War-saxafdeed kasoo baxey xafiiska Africa Energy Corp. (AFE) ("Africa Energy" oo markii hore loo aqoon jirey Horn Petroleum Corp ayaa lagu sheegay, in shirkaddaasi qoraal ay u gudbisay Dowlada Puntland kaga baxdey  heshiiskii wada-qaybsiga wax-soosaarka shidaalka (PSAs) qorshihiisa ahaa in laga soo saaro gobolka Nugaal iyo dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

War-saxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegey in heshiiskaas oo labada dhinac kala saxiixdeen 2007, Horn Petroleum Corp iyo shirkada la yiraahdo Range resources loo joojiyey si rasmi ah iyada oo la ogeysiiyey Dowlada Puntland.

Qoraalkaa ayaa lagu xusay in sababta shirkadahaasi uga baxeen heshiiska ay tahay xiriirka sii xuumanaya ee u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland halka cabsi laga qabo in colaad dhexmarto maamullada Somaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale qoraal shirkda Range Resources soo saartey ayey ku sheegeytey in nasiib daro tahay in heshiiskaan ka baxaan, madaama xaalada siyaasada oo aan fiicneyn ka jiraan Somalia gaar ahaan maamulka Puntland. Halkan akhri warsaxafdeedka 

Shirkadda Africa Enegry Corb oo horey loo oran jirey Africa Oil ayaa riiggii ugu horeeyey ee lagu baarayo  ka taagtey Puntland "Dooxada Dharoor" bishii January sanadkii 2012 taasoo xafladii furitaankeeda uu goobjoog ahaa madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiraxman Farole.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM