Agaasimaha guud ee wasaarada amniga Puntland oo is-casiley

Image

05 August,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Agaasimihii Guud ee Wasaarada Amniga Puntland iyo DDR Khadar Muuse Guure iska casiley xilka kadib markii maanta xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas u gudbiyey waraaqdii xil ka tagista.

Shaqo ka-tagista Agaasimaha Guud ayaa wararka laga helayo aad u yaryihiin balse warsidaha Garowe Online ayaa fahansan iney la xiriirto dhaqaalo xumo soo foodsaartey Wasaarada kadib markii howlhii loo igmadey gudan waydey.

Xogaha kale oo ku hareereysan is-casilaada Agaasimaha guud ayaa sheegaya iney timi kadib markii Wasaarada amniga iyo xafiiska madaxweynaha isku-fahmi waayeen in Wasaarada dib loogu soo celiyo xafiiska socdaalka kaasoo sanadkii 2014 laga jarey.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa 20 August,2014 Agaasin madax banaan ka dhigey xafiis jinsiyadaha iyo socdaalka ee dowladda Puntland kaasoo madax looga dhigey Agaasime cusub ee la yiraahdo Cabdirashiid Sheekh Cali Axmed.

Cabdirashiid Sheekh Cali Axmed ayaa gabi ahaanba agaasinkiisu ka madax banaan yahay Wasaarada Amaanka Puntland, maaliyad ahaan iyo shaqo ahaanba isagoo toos u maamula dakhliga kasoo xerooda fiisooyinka lagu soo galayo Puntland iyo kuwa laga dalbanayo qunsuliydaha ku yaala magaalo madaxda Garowe.

Agaasimaha cusub hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland ayaa kamid ahaa dadkii madaxweynaha Puntland kala shaqeyn jirey magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan iney isku hayb yihiin.

Dhinaca kale Wasaarada Amniga ayaa waxaa lasoo gudboonaadey dhaqaalo xumo baahnsan waqtiyadii ugu dambeeyey kadib markii laga jarey dhamaan dakhligii ay ku wadi jirtey howlihii loo igmadey lacagahaas la oran jirey curaar.

Agaasimaha Guud ee is-casiley ayaa muddo ku howlanaa sidii dib loogu soo celin lahaa waaxda socdaalka Wasaarada Amniga iyadoo dhowaan wareegto been abuur ah oo sheegeysa in xilka laga qaadey lasoo galiyey bogga Facebook. Waraaqdaan ayaa markii dambe waxaa beeniyey xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona wararka kale ee la xiriira is-casilaada Agasimaha Guud ee Wasaarada Amniga iyo DDR.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM