Agaasimaha TV iyo Idaacada Puntland oo dil ka badbaadey

Image

BOSASO, Puntland Sept 2, 2014 (GO)- Waxaa isku day in lagu khaarajinayo ka badbaadey galabta casarkii Agaasimaha cusub ee Talafishinka iyo Idaacada Puntland Cabdifatax Nuur Ashkir kadib markii qarax lagula beegsadey meel ku dhow magaalada Bossaso.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Cabdifatax Nuur Ashkir isaga oo maraya halka loo yaqaan Meer-Meerka oo ku taal wadada isku-xirta Garowe iyo Bosaso uu qarax la kulmey iyadoo wararku xusayaan in gaarigiisu ka badbaadey balse rasaas xoogan lala beegsadey kadib.

Ashkir oo gaargiisu khasaare badan soo gaarey ayaa wararku sheegayaan inuu nabad qab ku tagey Bossaso.

Wadada u dhexeysa magaalada Garowe iyo Bossaso ayaa wayadaan dambe la oran karaa mid amaankeeda faraha ka sii baxayo iyadoo halkaas bartilmaameedyo toos ah loogu gaysto saraakiisha dowlada.

Bishii la soo dhaafey waxa weerar lagu dili lahaa ka badbaadey Guddomiyaha ciidamada Puntland Cabdifatah Xaaji Aadan kadib markii loo galey wadada isku xirta magaalada Garowe iyo Bosaso.

Wadada isku xirta Bosaso iyo Garowe ayaa sanadkaan horaantiisa lagu diley saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Dowladda Puntland oo la kufaa dhaceysa bixinta mushahar ciidamada amniga ayaa gabi ahaanba isku taxalujin ilaalinta amaanka wadada isku xirta magaalada Bosaso iyo Garowe.

Weerarada kooxaha Al Shabaab oo ku dhuumaleysata buuraha Golis ayaa sii  kordhay tan iyo intii uu xilka ka qabtey Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Dhinaca kale ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaal ayaa wada weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo kamid ah gobolada Shabeelada Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Dowlada Puntland ayaa gabi ahaanba war kasoo saarin khataraha amni oo ka imaan kara koxaha firxadka ah kuwaasoo ka imaanaya deagaanada ciidamada AMISOM weerarada ku qaadeen. 

GAROWEONLINE  

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM