Agaasime cusub oo loo magacaabey Puntland TV, Indhaguran oo ku lug leh

Image

GAROWE, Puntland- Xeer ka soo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas June 30,2016  ayaa waxaa loogu magacaabey Jamaal Carrab Yusuf Jibriil Agaasimaha talefishinka ku hadla afka dowlada Puntland [ PLtv]. 

Jamaal Carrab Yusuf Jibriil oo aan horey uga soo shaqeyn saxaafada Somaliya iyo Puntland ayaa Xeerka lagu magacaabey noqonayaa midkii Afraad ee xil looga qaado ama loogu magacaabo talefishinka Puntland Agaasime tan iyo intii uu xilka qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Talefishinka ku hadla afka dowlada Puntland oo wayadaan dambe ka soo baxayeen cabashooyin badan ee la xiriira dhinaca mushaharaadka ayaa waxaa ka tagey inta badan shaqaalaha sida wariye-yaashii iyo farsamayaqada xirfada lahaa.

Magacaabistaan ayaa dhinaca kale waxaa ku lug leh Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-gurran oo horey u ahaan jirey Wasiirka warfaafinta kadib markii uu Madaxweyne Gaas ka codsadey in qof besshiisa ka tirsan loo magacaabo Agaasime. 

Dhinaca kale Agaasimaha cusub Jamaal Carab Yusuf Jibriil ayaa waxaa adeer u ah Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka Somaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa warsidaha Garowe online u sheegaya in magacaabista cusub ee Jamaal Yusuf Carab Jibriil la xiriirto is-hortaag lagu sameynayo dhinaca beesha uu kasoo jeedo Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ah Mudane ka tirsan Barlamanka Federaalka inuu dib u raadsado xilkaan.

Talabadaan ayaa noqneysa mid albaabka u fureysa in xukuumada Puntland faraha kula galeyso qaabka qaba'ilka u soo xulanayaan xubnaha kamid noqonaya aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka.

Wasiirka ganacsiga Puntland oo aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan inuu ka shaqeynayo sida uu lug ugu yeelan lahaa xubinta cusub ee beeshiisa ku leedahay aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka ah.

Indhaguran oo Madaxweyne Gaaas u magaacaabey xubinta Guddiga doorashada uga mid noqnaya Puntland Heer Federaal ayaa laga saarey kadib markii kulankii ugu dambeeyey ee madaxda Somalida ku yeelatey magaalada Baydhabo beesha caalamka diidey in xubnaha guddigaan noqdaan siyaasiyiin dan ka leh doorashada Madaxweyne ee Somaliya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM