Agaasimihii PLTV oo shaqada laga joojiyey

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaqada ka joojiyey agaasimihii telefishinka iyo idaacadda Dowladda Puntland Cabdifataax Nuur Ashkir.

Xilkaas waxaa si kumeel gaar ah loogu dhiibey agaasime ku xigeenkii telefishinka Xuseen Xaaji Yuusuf.

Xil ka qaadista agaasimaha ayaa timid kadib markii maamul xumo baahsani lasoo deristey TVga arrintaas oo horseedday in shaqadii telefishinku gaabis noqoto.

Laga soo bilaabo August 3, 2014 markaas oo Ashkir loo soo magacaabay agaasimaha TVga Puntland, waxaa soo shaac baxaysey cabasho ka imaanaysa shaqaalaha telefishinka oo qaar badan oo kamid ahi shaqada ka tageen.

Sidoo kale telefishinka ayaa dhowr mar hawada ka baxay kadib markii la bixin waayey kirada satalaydka uu telefishinku ku jiro.

Garowe Online ayaa dhowaan furtey buug cabasho ah kaas oo boqollaal qof saxiixeen iyagoo ka codsaday Madaxweyne Gaas in uu sida ugu dhaqsaha badan usoo farageliyo arinta telefishinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM