AKHRISO: War-Murtiyeed ka kooban 15 Qodob oo kasoo baxay Shirkii Garoowe

Image

GAROWE, Puntland - Shirkii Madaxda afarta maamul uga socday maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ayaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saarey war-murtiyeed ka kooban 15 qodob, oo arrimaha dalka ku saabsan.

AMNIGA: Qodobada ugu waaweyn war-murtiyeedka ayaa waxaa kamid ah arrimaha amniga, oo ay sheegeen hogaamiye-yaasha inay sameysan doonaan qorshe u gaar ah oo mas'uuliyadda fulintiisa iyo maal-gelintiisa ay leeyihiin dowlad-goboleedyada dalka.

Waxay ku heshiiyeen inay dhistaan Gollaha Amniga dowlad-goboleedyada [Inter-state security council] iyo in la isku dhafo ciidamada Daraawiishta maamulladan, kadibna loo sameeyo hogaan guud, iyadoo maamul kasta laga doonayo 1,000 askari.

SIYAASADDA: Waxay ku dhawaaqeen madaxd Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland xisbi siyaasadeed lagu magacaabo XISBIGA HORUSOCOD QARAN [National progressive party], oo gudoomiye si KMG ah loogu doortey Cabdiweli Gaas inta laga gaarayo shir weynaha xisbiga.

Lama oga waxa uu Xisbigan kusoo kordhin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, balse waxa uu u muuqdaa mid hogaamiyaashan ay ku doonayaan inay ugu loolamaan doorashada 2020, maadaama mudo-xileedkooda maamullada ay dhamaanayso.

Golluhu wuxuu cambaareeyay faragelinta Villa Somalia ay ku heyso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, oo ay sheegeen inay nasiib darro tahay in iyadoo mushaar loo la'yahay ciidamada malaayiin dollar oo hantida shacabka lagu bixiyo ololaha musharaxiin gaar ah oo dowladda wadato oo iyagoo wata gaadiidka aan xabadu karin la geeyo Baydhabo.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, Afhayeenka Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka laga soo saarey shirkii Garoowe.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM